Muxuu yahay qorshaha Israa'iil ay wado ee ka dhanka ah Falastiniyiinta?

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Wasiirka Difaaca Israa'iil, Yisrael Katz, ayaa sheegay in Israa'iil ay diyaar u yihiin qorshayaal lagu rarayo Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza, balse ay sugayso in Maraykanku uu go'aan ama is-afgarad ka gaaro halka loo wareejinayo dadka Gaza.

Katz ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay Arbacadii ku yiri: "Ugu dambayn, ma jiro xal dhab ah oo Gaza loo heli karo illaa in laga daad gureeyo maahee". Wuxuu intaas ku daray in dowladda Israa'iil ay "diyaar garow buuxa" samaysay sidii dadka looga saari lahaa Gaza, "iyadoo loo marayo badda, cirka iyo hab kasta oo suurtagal ah."

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in xukuumaddiisu aanu qorshaynayn inay ka baxdo meel kasta oo ka mid ah dhulka Marinka Gaza ee ay ciidamadiisu gacanta ku hayaan, isagoo adkeeyay in Israa'iil ay sii wadi doonto xukunka dhulkaas.

Netanyahu ayaa hadalkaas ka sheegay Arbacadii xilli uu booqday ciidamada Israa'iil ee ku sugan Gaza. Waxay ahayd booqashadiisii ugu horreysay ee goobaha dagaalka tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiiska xabbad-joojinta bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

Netanyahu, oo ka hadlayay aagga loo yaqaan "khadka jaallaha ah", ayaa sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa, "Annaga ayaa gacanta ku hayna aagga, dib uga noqon mayno, khadkan ayaan sii joogi doonnaa... Waxaan gacanta ku haynaa 60% qaybtaas, mana joojin doonno, sababtoo ah waxaan ciribtiraynaa argagixisada na khatar gelinaysa, waana sii wadi doonnaa sidaas".

Bilowgii ololahiisa labaad ee madaxtinimada, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayuu soo jeediyay in ku dhowaad laba milyan oo qof oo ku nool Gaza laga barakiciyo dhulkaas, kadibna dhulka dagaalku burburiyay laga dhigo goob dalxiis oo heer sare ah. Hase yeeshee, markii dambe wuu ka laabtay soo jeedintaas, wuxuuna sannadkii 2025 ku dhawaaqay qorshihiisa 20-ka qodob ah ee lagu soo afjarayo dagaalka Gaza. Qorshahaas waxaa ku jiray qodob cad oo dhigaya inaan cidna lagu khasbi karin inay Gaza ka baxdo.

Waxaa xusid mudan in sida uu dhigayo Heshiisyada Geneva, barakicinta khasabka ah ee dadka rayidka ah ee laga saarayo dhul la haysto loo aqoonsan yahay "dambi dagaal."

Wasiirka Difaaca Israa'iil Yisrael Katz ayaa sheegay in Trump aanu fikradda meesha ka saarin, balse uu "hakiyay" isaga oo raadinaya dalal qaabila Falastiiniyiinta. Wuxuu xusay in Masar aysan ahayn meel loo qorsheeyay in dadkaas loo raro.

Katz wuxuu mar uu ka hadlayey yiri "Qorshaha lama baabi'in, balse mar walba waa laga wada hadlayaa, xitaa hadda, waxaana aaminsanahay inaanu jirin xal kale oo dan u ah dhammaan dhinacyada... Laakiin si taas loo sameeyo, waxaan u baahanahay Maraykanka. Goorma ayaan heli doonnaa oggolaanshihiisa? Marka ay caddaato in Xamaas aysan fulinayn waajibaadkeeda", ku xusan heshiiska xabbad-joojinta.

Katz ayaa sidoo kale ku andacooday in 80% dadka Gaza ay doonayaan inay ka baxaan, balse Xamaas ay ka hor hor taagan tahay, isaga oo aan caddeyn sida ay xamaas u hor taagan tahay.

Xamaas ayaa Israa'iil ku eedaysa inay si isdaba joog ah u jebinayso xabbad-joojinta, isla markaana wiiqayso dadaallada lagu fulinayo qorshaha uu soo jeediyay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka.

Xabbad-joojintii uu Trump ku dhawaaqay sannadkii hore ayaa joojisay dagaalladii waaweynaa ee Gaza, balse ma aysan joojin weerarrada Israa'iil ee ka dhanka ah Marinka. Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in hawlgalladaasi ay yihiin kuwo looga hortagayo khataraha amni iyo weerarrada Xamaas iyo kooxaha kale ee hubaysan ee Falastiiniyiinta.

Khasaaraha ka dhashay weerarrada

Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa Arbacadii sheegtay in isbitaallada Gaza ay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay qaabileen siddeed qof oo dhintay iyo 31 qof oo dhaawacmay, kuwaas oo ku waxyeelloobay duqayn iyo rasaas ay fureen ciidamada Israa'iil.

Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in afar askari oo Israa'iili ah lagu dilay weerarro ay qaadeen dagaalyahanno tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

Dhanka Falastiiniyiinta, in ka badan 1,300 qof ayaa lagu dilay Gaza muddadaas, halka tirada guud ee dadka ku dhintay Gaza ay gaartay 73,470 qof, iyadoo 174,540 qof ay dhaawacmeen tan iyo 7-dii Oktoobar 2023, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Weerarkii Xamaas ay 7-dii Oktoobar 2023 ku qaaday Israa'iil ayaa lagu dilay ku dhowaad 1,200 qof, halka 251 qof loo qafaashay oo loo kaxeystay Gaza.

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay xaaladda dadka rayidka ah

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii mar kale muujisay walaaca ay ka qabto ammaanka dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ku nool Gaza iyo Daanta Galbeed, iyadoo tilmaantay in carruur la dilay, shaqaale gargaarna la dhaawacay, sidoo kalena ay jirto biyo yari.

Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa sheegay in hay'adda UNICEF ay diiwaangelisay dilka saddex carruur ah oo da'doodu u dhaxayso 3 ilaa 13 sano, iyo dhaawaca ugu yaraan shan carruur ah oo kale oo Gaza ku sugnaa 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Dujarric ayaa sidoo kale sheegay in ku dhowaad hal milyan oo qof oo ku nool Gaza, kuwaas oo ku tiirsan shabakadda biyaha ee Israa'iil, ay wajahayaan biyo yari maalintii labaad oo xiriir ah.