Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Ciyaaraha gobollada Somaliland oo meel xiiso badan maraya
Published
Xamaasada ciyaaraha gobollada Somaliland ee ka soconaya magaalada Hargeysa ayaa aad u sareysa iyadoo ciyaartoyda gobollada ee kubadda cagta iyo kubadda koleygaba ay ku dedaalayaan sidii ay kaalmaha hore uga geli lahaayeen tartankaasi.
Waxaa kaloo aad loo adkeeyay nabadgelyada garoomada lagu ciyaarayo iyadoo taageeratyaashana wacyigelin la siiyay.
Haddaba weriyaha BBC-da ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa warbixintan ku eegaya xiisaha iyo xamaasadda ciyaaraha sanadkan.