Muxuu Mareykanku u go'aansaday inuu joojiyo gargaarka milatari ee uu siiyo ciidamada Kurdiyiinta?
Maamulka Donald Trump ayaa isku diyaarinayo inuu joojiyo gargaarka milatari ee uu siiyo ciidamada Peshmerga, oo ah saaxibkooda ugu weyn Bariga Dhexe isla markaana gacan ka geysanayay sidii loo jabin lahaa Dawladda Islaamiga ah (IS). Sdia ay BBcda u sheegeen afar ilo wareed oo ku dhow arrintan.
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa ku dhawaaqday wadahadallo ay dhawaan la yeelatay hoggaamiyeyaasha Ismaamulka Kurdistan ee Ciraaq inaysan qorsheyneynin inay cusbooneysiiyaan heshiiska gargaarka ay siiyaan ciidamada amniga Kurdishka (Peshmerga).
Heshiiskan ayaa waqtigiisu uu dhawaan dhamaan doonaa .
BBC-du waxay la hadashay laba mas'uul oo ku lug lahaa iyo laba il oo kale oo si toos ah ula socday wadahadallada qarsoodiga ah.
Ilo-wareedyadan ayaa codsaday inaan la magacaabin sababtoo ah wadahadallada si rasmi ah horey looguma shaacin.
Hogaamiyayaasha Kurdiyiinta ayaa ka cabsi qaba in dhimista gargaarka ay abuuri doonto marnaan awoodeed oo gobolka ah isla markaana ay dhiiri gelin doonto Iiraan.
Tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu dagaal la galay Tehran, Iiraan waxay boqolaal gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku ridaysay Kurdistan-ta Ciraaq.
Dadka falanqeeya ayaa sheegaya in joojinta gargaarka milatari ee la siinayo ciidamada Peshmerga ay wiiqayso iskaashiga muddada dheer lala lahaa Mareykanka, isla markaana ay dirayso farriin ah in Mareykanka aan lagu kalsoonaan karin inuu caawiyo xulafadiisa.