Sudan:"Dagaalku wuxuu si toos ah u sababay inaan kala tagno aabbaha carruurtayda"

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

"Dagaalku wuxuu si toos ah u sababay inaan kala tagno aabbaha carruurtayda."

Sidaas ayay hadalkeeda noogu bilowday haweeney u dhalatay Suudaan oo codsatay inaan magaceeda la shaacin, iyadoo ka sheekaynaysa saameynta ba'an ee dagaalka ka socda dalka Suudaan.

Saameynta dagaalku kuma eka goobaha dagaalka iyo jiidaha hore, balse waxay gaartay xiriirrada qoysaska, iyadoo kala qaybsanaanta dhinacyada ay isku hayaan colaadda ay gudaha guryaha ka abuurtay kala fogaansho iyo isku dhacyo.

Dagaalka hubaysan ee u dhexeeya labada dhinac ayaa noqday sabab toos ah oo keentay burburka kumannaan qoys, iyadoo xaaladdu gaartay heerkii ugu xumaa gudaha maxkamadaha, halkaas oo lagu bilaabay dhageysiga kiisaska furriinka iyo kala dirista guurka iyadoo mararka qaar aysan labada qofba goobta joogin.

35,000 kiis oo furriin ah

Haweeneydan Suudaaniga ah waxay ka mid tahay 35,000 kiis oo furriin ah oo la diiwaangeliyay tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay dalka, sida ku cad xogta hay'adaha garsoorka.

Hay'adaha garsoorku waxay tiradan ku tilmaameen "dhulgariir bulsho oo aan hore loo arag".

Sida ay sheegtay haweeneydu, dhibaatadeedu waxay ka bilaabatay in ay xaas u ahayd askari ka tirsan ciidanka Suudaan oo ka soo jeeda caasimadda Khartuum.

Markii uu dagaalku billowday, ninkeeda ayaa lagu xiray xarunta taliska guud ee ciidanka ee Khartuum, waxaana gebi ahaanba la waayay wax war ah oo ku saabsan xaaladdiisa muddo ka badan hal sano.

Muddadii uu maqnaa oo dheeraatay iyo dhaqaale la'aanta ay qoysku la tacaalayeen, ayaa haweeneydu go'aansatay inay carruurteeda ula guurto qoyskeeda si ay halkaas ula noolaato.

Muddo dheer kadib, waxaa dib loo soo celiyay xiriirkii, waxayna ogaatay in ninkeedu weli nool yahay. Ninkuna wuxuu ka dalbaday inay si degdeg ah ugu soo laabato Khartuum.

Hase yeeshee, haweeneydu way diiday inay dib ugu laabato Khartuum, waxayna carruurteeda la degtay guriga waalidkeed.

Labada dhinac ayaa markaas wajahaya xaalad juqraafi iyo amni oo cakiran, maadaama ninku ku sugnaa deegaanno ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda, halka haweeneyda iyo carruurteedu ay ku noolaayeen deegaanno ay maamulaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF).

Xaaladdaas darteed, ninku wuxuu u sheegay inay kala doorato inay Khartuum ugu soo laabato ama ay kala tagaan.

Iyadoo haweeneydu ku adkaysatay go'aankeeda, ayaa ugu dambayntii furriinka si rasmi ah loo dhammeystiray.

Dhibaatada dhinaca kale ka jirta

Haddii tani ay tahay qisada haweeneyda uu qabo sarkaal ka tirsan ciidamada Suudaan, xaaladdu wax badan kama duwana dhinaca kale.

Xaaska askari ka tirsan Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), oo iyaduna dooratay in magaceeda aan la shaacin, ayaa wajahday xaalad la mid ah.

Haweeneydu waxay ka warrantay dhibaatadii soo martay, iyadoo sheegtay inay tahay hooyo saddex carruur ah leh, isla markaana ay ninkeeda uga guurtay deegaanno kala duwan sababo la xiriira xiriirka uu la lahaa Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF).

Waxay sheegtay in xaaladaha nololeed ay aad u adkaa oo ay carruurta si gaar ah ugu adkaayeen, iyadoo ay u dheerayd inay ka maqnaayeen qoyskeeda oo ku noolaa Khartuum.

Waxay intaas ku dartay inay marar badan isku dayday inay ninkeeda ku qanciso baahida loo qabo inuu qoyskiisa ugu soo laabto, balse uu mar kasta diidi jiray.

Markii khilaafku sii xoogaystay, iyada, ninkeeda iyo carruurteedana ay la kulmeen garaacis iyo tacaddi, ayay go'aansatay inay carruurteeda la baxsato, iyadoo aan wadan wax aan ahayn dharkii ay xirnaayeen.

Waxay xilliyadaas ku tilmaantay inay ahayd baxsad ay kaga cararayso xaalad dagaal oo dhab ah, ilaa ay ugu dambayntii gaartay guriga waalidkeed.

Halkaas ayay ku noqotay qofka keliya ee mas'uulka ka ah masruufka carruurteeda, iyadoo kaligeed dusha u ridatay dhammaan waajibaadkii iyo masuuliyadihii qoyskeeda.

Furriinka iyadoo dhinaca kale uusan goobjoog ahayn iyo habraacyada sharciga ah

Marka laga hadlayo dhinacyada sharciga ee arrintan, qareen Haider Zaki ayaa sharaxaya sida kala qaybsanaanta u dhexeysa ciidamada Suudaan iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ay si qoto dheer ugu dhex faaftay qoysaska Suudaan, taas oo keentay burburka guurro iyo kala firdhinta qoysas badan.

Zaki ayaa sharaxaya habraacyada sharciga ah ee la raaco. Wuxuu sheegay in haddii haweeney ay dalbato furriin iyadoo sabab uga dhigaysa in ninkeeda uu ka tirsan yahay RSF, isla markaana ay dacwadda ka gudbiso deegaan ay maamulaan ciidamada dowladda, ay suurtagal noqon weydo in ninka si toos ah loo ogeysiiyo dacwadda, maadaama uu ku sugan yahay deegaan ay gacanta ku hayaan dhinaca kale.

Xaaladdan oo kale, ogeysiiska dacwadda waxaa lagu sameeyaa wargeysyada rasmiga ah. Hase yeeshee, ninku inta badan ma heli karo wargeysyadaas, gaar ahaan haddii uu ku nool yahay deegaan miyi ah ama meel fog oo ay maamusho RSF.

Sida uu qareenku sheegay, maxkamaddu waxay markaas dhageysataa markhaatiga haweeneyda iyo markhaatigeeda iyadoo ninku maqan yahay, kadibna waxay soo saartaa go'aan furriin.

Haddii ay 60 maalmood ka soo wareegaan iyadoo aan wax diidmo ah laga gudbin go'aanka, furriinku wuxuu noqonayaa mid kama dambeys ah, haweeneyduna waxay heli kartaa shahaadada furriinka oo u saamaxaysa inay guursato qof kale, halka ninkii hore uu gebi ahaanba ka warqabi waayo wixii dhacay.

Arrintan ayaa markii dambe dhalin karta muranno sharci oo cakiran haddii ninku soo laabto oo yimaado oo uu codsado in go'aanka dib loo eego, isagoo ku doodaya inuusan ka warqabin ogeysiiska lagu daabacay wargeyska.

Zaki wuxuu xaqiijinayaa in habraacyo iyo maxkamado la mid ah ay sidoo kale ka jiraan deegaannada ay maamusho RSF.

Arrintu waxay gaartay heer ay haween qaar helaan go'aan furriin, kadibna ay guursadaan nin kale, iyadoo ninkii hore uusan waxba ka ogeyn.

Sidaas darteed, kiisaska furriinka ee Suudaan ayaa hadda lagu go'aamiyaa iyadoo dhinacyada qaarkood ay maqan yihiin, maadaama cabsi laga qabo dhibaatooyin amni iyo cadaadis ay ka hor istaagayso lammaanayaasha taageersan labada dhinac ee colaadda inay hor yimaadaan maxkamadaha ku yaalla deegaannada ay maamulaan dhinaca kale.

Sidaas ayay garsoorayaashu go'aannada ugu soo saaraan iyadoo lammaanayaashu maqan yihiin. Arrinta guurka si sharci ah ayaa loo soo afjaraa, bog cusubna waa la furayaa, balse qoysasku waxay sii ahaanayaan kuwo kala firdhisan, iyada oo aan la ogeyn goorta ay dib u midoobi doonaan.