Qof si dirqi ah uga badbaaday dhismihii ku dumay Islii oo BBC-da la hadlay

Published
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo

Weli waxaa socda howlgallada lagu baadi-goobayo dadka la rumeysanyahay in ay ku hoos jiraan dhismaha maanta ku dumay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Maxamuud Maxamed oo dukaan ku lahaa dhimahay burburay ayaa BBC-da u sheegay in uu si dirqi ah uga badbaaday, walow dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen.

Si guud waxaa magaalada Nairobi, ka taagan argagax ka dhashay burburka dhismaha oo muuqaalladiisa lagu baahiyay baraha bulhsda iyo warbaahinta gudaha.

Guddoomiyaha Ismaamulka Nairobi, oo isna wax yar ka hor hadlay ayaa ku baaqay in ciqaab adag la marsiiyo dadka guryaha dhisa ee aan marin hab-raacyada sharciga ah ee loogu talay dhismayaasha. Halkaan hoose ka dhageyso waraysiga Maxamuud Maxamed.