Soomaaliya oo "markii ugu horreysay" laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Soomaaliya ayaa waxaa dhowaan laga sameeyay qalliin la sheegay inuu yahay kii ugu horreeyay ee maqal-beerista, kaasoo loo sameeyay bukaanno maqalka naafo ka ahaa.

Qalliinnadan, oo 23-kii Oktoobar 2026, uu fuliyay Isbitaalka Shaafi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo sameeyay bukaanno ay da'doodu kala tahay 9 jir iyo 22 jir.

Qaabka loo fulinayo ayaa ah in gudaha dhegta lagu rakibo qalab elektaroonig ah, oo ka caawiya dadka qaba maqal-la'aanta daran inay wax maqlaan.

Dr. Ismaaciil Maxamed Cali, oo ku takhasusay cudurrada iyo qalliinnada dhegaha, sanka iyo cunaha oo qalliinkan fuliyay ayaa BBC u sheegay in bukaannadan marka qalliinka lagu sameynayay aysan gebi ahaanba waxba maqleynin.

"Waa qalliin hal mar la sameeyo, ma aha mid u baahda mid dhowr jeer la sameeya. Kadib bukaanka wuxuu u baahnaan doonaa in tababar dhanka hadalka iyo la qabsiga qalabka loo sameeyo," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in bukaannadan ay isbitaalka kusoo laaban doonaan labo toddobaad gudahood, si xaalkooda loola socdo looguna sameeyo adeegyada tababarka ee ay u baahan yihiin.

"Qalliinkan malaha wax dhibaato ah, qofka isaga ayaaba laga caawinayaa inuu wax maqlo," ayuu intaa raaciyay.

Waaliddiinta ayuu dhaqtarku ugu baaqay in carruurtooda maqalka naafada ka ah ay xilli hore geeyaan isbitaallada, si xaalkooda xilli hore wax looga qabto.

Dhanka kale, war-saxaafadeed uu maanta soo saaray isbitaalka ayaa wuxuu ku sheegay "in adeeggan cusub uu Soomaaliya u furayo fursad lagu horumarinayo daaweynta dadka qaba maqal-la'aanta, kuwaas oo qaarkood ay qasab ku ahayd inay daryeel caafimaad u raadsadaan dibadda."

Isbitaalka ayaa sheegay in kahor qalliinkan uu dhowaan dalka Kenya u diray ilaa 15 bukaan oo adeegga noocan oo kale u baahnaa.

"Waxay inoo tahay wax weyn"

Dadka qalliinka loo sameeyay waxaa ka mid ah Cabdixakiin Yuusuf Haliil oo 22 jir ah, kaas oo dhowr sano maqalka naafo ka ahaa.

Aabbihiis, Yuusuf Haliil oo BBC la hadlay ayaa sheegay inuusan ogeyn waxa dhabta ah ee wiilkiisa ku sababay maqal la'aanta, balse uu aad ugu faraxsan yahay in wiilkiisa uu dib u helo maqalkiisa.

Wuxuu sheegay in wiilkiisa oo waxbarashada hoose kusoo qaatay magaalada Kismaayo ee Soomaaliya, iyo xeryaha qaxootiga Kenya, uu dhowr iyo toban sano dhib ku qabay maqalka, kadibna uu si tartiib tartiib ah gebi ahaanba u beelay maqalka.

"Sanadkii 2017-kii ayuu iskala soo jiitamayay dhibaatada maqalka. Wuxuu u wareegay Muqdisho halkaas oo uu Jaamacadda Umadda ka bartay cilmiga daawada, isla markaana uu kaalin fiican ka galay,"ayuu yiri.

Qalliinnada noocan ah ee markii hore dibadda loo aadi jiray ayaa ah kuwo qaali ah. Kharashka ku bixi karaa ayaa lagu qiyaasaa 15,000 ilaa 20,000 oo doollarka Mareykanka ah, sida uu isbitaalku sheegay, kharashkaas oo intaa ka badan kara haddii uu bukaanku dibadda u aadayo.

Dadka qaar ayaan awoodin kharashkaas, balse aabbe Yuusuf ayaa sheegay in adeeggan loogu sameeyay si lacag la'aan ah.

"Wiilkeyga xaaladdiisa hadda waa fiican tahay. Weli adeegga ma dhammaan oo labo toddobaad kadib soo laabta ayaa nala dhahay." Ayuu yiri.

Soomaaliya iyo naafonimada dhanka maqalka

Tiro-koob sax ah lagama hayo tirada dadka maqalka naafada ah ee Soomaaliya. Balse, caabuqyada dhegaha, qaar ka mid ah xanuunnada sida jadeecada, iyo caabuq ku dhaca hooyada marka ay uurka leedahay, shilalka iyo qaraxyada ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee bukaannada Soomaaliya ku keena naafada dhanka maqalka.

Qalliinnadan ayuu isbitaalku sheegay inay yihiin kuwii ugu horreeyay noocooda, maaddaama dhakhaatiir ku takhasusay oo howshaas qaban karay aysan hore uga jirin Soomaliya, isla markaana adeeggan casriga ah uu sanadihii dambe dunida ku faafay, gaar ahaanna Afrika.

Sida uu isbitaalku sheegay, hirgelinta qalliinnadan waxay Soomaaliya ka dhigaysaa dalkii sagaalaad ee Afrika ee laga sameeyo qalliinka noocan ah.

Adeeggan ayaa lagu hirgeliyay iskaashi lala yeeshay shirkadda caalamiga ah ee MED-EL, oo soo saarta qalabka maqal-beerista isla markaana uu fadhigeedu yahay dalka Austria.

"In Isbitaalka Shaafi uu xil iska saaray in Soomaliya markii ugu horeeysay laga hirgeliyo oo la fuliyo kharash ahaan iyo dhaqaale ahaan, in shirkadda qalabka soo saarto uu isbitaalka la xiriiray oo ku qanciyay inay Soomaliya yimaadaan oo qalliinka goob-joog ka noqdaan," ayuu yiri agaasimaha Isbitaalka Shaafi, Dr. Cabdifitaax Ibraahim Cumar.

Qalliinnada noocan oo kale ah ayay bukaannada Soomaaliyeed u aadi jireen dalal ay ka mid yihiin Hindiya iyo Pakistan. Qaarkood ayaa aada dalal Soomaaliya deris la ah sida Kenya, waxaana mararka qaar kharashaadkaas bukaannada ku acawiya shirkado samafal.

Waa maxay maqal-beerista?

Cochlear implant (qalabka dhegta lagu beero) waa qalab elektaroonig ah oo madaxa lagu xiri karo, kaas oo bukaanka maqalka naafada ka ah ka caawinaya inuu maqlo dhawaaqyada.

Dadka qaar ayaa dhibaato ku qaba maqalka, sababtoo ah qayb ka mid ah dhegta oo loo yaqaan 'cochlea' (qolofka dhegta gudaha) si fiican uma shaqaynayso. Qaabkeedu wuxuu u ek yahay qolofka snail-ka, waana sababta loogu bixiyey magacaas.

Qalliinka maqal-beerista ayaa adeegsada qalab elektaroonig ah oo kiciya neerfaha maqalka, waxaana loo isticmaali karaa dadka qaba maqal-la'aan daran oo aan qalabka maqalka ee caadiga ahi si ku filan u caawin karin.

Khubarrada caafimaadku waxay qiimeeyaan bukaannada ka hor qalliinka, waxaana guusha maqalku ku xirnaan kartaa xaaladda bukaanka iyo baxnaaninta maqalka iyo hadalka ee qalliinka ka dib.

Haddii adeeggan si joogto ah looga hirgeliyo Soomaaliya, wuxuu yareyn karaa baahida ay dadka qaarkood u qabaan inay dibadda ugu safraan daaweyn iyo dabagal caafimaad, sida uu sheegay Dr. Ismaaciil.

Sidee ayay u shaqeeyaan?

Halkii ay codka ka dhigi lahaayeen mid aad u dheer—sida ay sameeyaan qalabka caawiya maqalka—qalabka lagu beero dhegta gudaheeda (cochlear implant) wuxuu calaamado si toos ah ugu diraa neerfayaasha aad u isticmaasho maqalka.

Wuxuu ka kooban yahay labo qaybood:

  • Qalab lagu beero—waa qalab yar oo la dhigo maqaarka hoostiisa, meel ka sarreysa dhegta; iyo qayb dibadda madaxa saaran.
  • Qaybta dibadda saaran waxay u shaqaysaa sidii makarafoon oo kale, iyadoo qabanaysa codadka.

Codadkan waxaa loo beddelaa calaamado koronto, kuwaas oo loo diro qalabka lagu beeray dhegta gudaheeda. Halkaas, waxay u gudbaan dhegta gudaha, ka dibna waxay gaaraan maskaxda.