Bangiga Adduunka oo ku taliyey in la dhimo tirada wasaaradaha dowladda Soomaaliya

    • Author, Abdinasir Ali
    • Role, BBC Somali
    • Reporting from, Nairobi, Kenya
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Bangiga Adduunka ayaa ku taliyey in dowladda federaalka Soomaaliya ay tirada wasaaradaheeda ka dhinto 25 ilaa qiyaastii 15, si loo yareeyo kharashaadka maamulka, loona helo dhaqaale dheeraad ah oo lagu maalgeliyo adeegyada dadweynaha.

Taladan ayaa ka mid ah qodobbada warbixin cusub oo lagu magacaabo Somalia Public Finance Review 2026, oo maanta oo Isniin ah, 26 Oktoobar, lagu soo bandhigay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in ku dhowaad 95% kharashaadka dowladda ee Soomaaliya ay ku baxaan hawlo joogto ah, oo ay ugu waaweyn yihiin mushaaraadka, amniga iyo socodsiinta hay'adaha dowladda. Taas ayaa yaraynaysa lacagta loo heli karo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo ballaarinta adeegyada dadweynaha.

Shirka lagu soo bandhigay warbixinta waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socday dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada, Bangiga Adduunka iyo ganacsatada.

Maxamuud Yaasiin Jaamac, oo ah khabiir sare oo arrimaha maamulka ka tirsan Bangiga Adduunka, kana mid ahaa kooxdii diyaarisay warbixinta, ayaa BBC Somali u sheegay in Soomaaliya ay horumar ka samaysay dib-u-dhiska hay'adaha maaliyadda, soo celinta xasilloonida dhaqaalaha iyo maaraynta lacagaha dowladda, balse ay weli jiraan caqabado u baahan in wax laga qabto.

Mid ka mid ah talooyinka ugu waaweyn ee warbixinta ayaa ah in dowladda federaalka ay dib u eegis ku samayso qaab-dhismeedka hay'adaheeda, iyadoo si gaar ah loo soo jeediyey in tirada wasaaradaha laga dhimo 25 ilaa qiyaastii 15, isla markaana la xaddido kororka hay'adaha cusub.

Bangiga Adduunku wuxuu sheegay in tallaabadani ay qayb ka noqon karto dib-u-habayn lagu dhimayo kharashaadka joogtada ah ee dowladda, gaar ahaan kuwa ku baxa maamulka iyo mushaaraadka.

Warbixintu waxay sheegtay in nidaamyada maamul ee ay qiimaynteedu daboolayso, kuwaas oo ay ku jiraan dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo Somaliland, ay ka jiraan qiyaastii 153 wasaaradood.

Sida Bangigu sheegay, kororka wasaaradaha, waaxyaha iyo hay'adaha dowladda ayaa abuuray nidaam maamul oo kala qaybsan, mararka qaarna shaqooyin iyo masuuliyado isku mid ah ay qabtaan hay'ado kala duwan. Arrintan ayaa kordhisa kharashaadka, iyadoo aan mar walba la helin horumar u dhigma oo ku yimaadda adeegyada ay dadweynuhu helaan.

Warbixintu waxay si gaar ah u tilmaantay in kororka kharashaadka mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah uusan inta badan ka imaan mushaaraad aad u sarreeya, balse uu la xiriiro ballaarinta hay'adaha, shaqaalaha ku-meelgaarka ah iyo nidaamyada kala duwan ee shaqaalaysiinta.

Sannadkii 2024, mushaaraadka shaqaalaha dowladda, oo ay ku jiraan kuwa amniga, ayaa gaaray 4.9% wax-soo-saarka guud ee dalka, una dhigma 45% wadarta kharashaadka dowladda ee lagu daray qiimaynta. Mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah oo keliya ayaa lagu qiyaasay 2.4% GDP-ga.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay farqi u dhexeeya tirada shaqaalaha iyo lacagaha mushaaraadka loo qoondeeyo. Waaxyaha adeegyada bulshada, sida waxbarashada iyo caafimaadka, ayaa leh ku dhowaad kala bar shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, balse waxay helaan qiyaastii 26% lacagaha mushaaraadka rayidka.

Dhanka kale, shaqaalaha ku jira hawlaha maamulka ayaa ah qiyaastii 40% shaqaalaha rayidka ah, hase yeeshee waxay qaataan 56% wadarta kharashaadka mushaaraadka rayidka.

Bangiga Adduunku wuxuu intaas ku daray in mararka qaar soo jeedinta dhismaha hay'ado cusub ay ka timaaddo talooyin ay bixiyaan hay'adaha horumarinta, kuwaas oo taageera diyaarinta sharciyada iyo mashaariicda hay'adahaas. Hase yeeshee, warbixintu waxay sheegtay in aan mar walba si buuxda loo qiimayn kharashaadka muddada dheer ee hay'adaha cusub iyo awoodda ay dowladdu u leedahay inay maalgeliso.

Sida ku cad qodobka 25-aad ee sharciga maaraynta maaliyadda dadweynaha, hindisayaasha sharci ee la diyaariyo waa inay la socdaan qiimayn muujinaysa saameyntooda miisaaniyadeed, taas oo ay Wasaaradda Maaliyaddu dib u eegayso ka hor inta aan la horgeyn Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka. Bangiga Adduunka ayaa sheegay in shuruuddan aan si joogto ah loogu dhaqmin.

Talada dhimista wasaaradaha ayaa lagu daray tallaabooyinka ay warbixintu soo jeedinayso in lagu fuliyo muddada gaaban ee hal ilaa laba sano ah, iyadoo masuuliyadda la saaray Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Golaha Wasiirrada, Wasaaradda Maaliyadda iyo Baarlamaanka.

Warbixintu ma soo bandhigin liis cayiman oo ah tobanka wasaaradood ee la isku dari karo ama la baabi'in karo. Sidoo kale, taladan weli waa soo jeedin Bangiga Adduunka ka timid, mana aha go'aan dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday.

Bangiga Adduunku wuxuu soo jeediyey in dib-u-eegis lagu sameeyo shaqooyinka hay'adaha dowladda si loo ogaado meelaha ay masuuliyaduhu isku soo noqnoqdaan, ka hor inta aan la go'aamin hay'adaha la isku dari karo.

Warbixintu waxay sidoo kale ka digtay ku-tiirsanaanta shaqaalaha ay mushaaraadkooda bixiyaan mashaariicda iyo hay'adaha deeqaha bixiya.

Sida xogta lagu sheegay, sannadkii 2024 tirada shaqaalaha mashaariicda iyo la-taliyeyaasha qaababkan lagu maalgeliyo ayaa 26% ka badnayd tirada shaqaalaha rasmiga ah ee rayidka dowladda federaalka.

Bangigu wuxuu ka digay in marka mashaariicdaasi dhammaadaan ay dowladdu ku adkaan karto inay shaqaalahaas ku darto nidaamkeeda mushaaraadka, taas oo keeni karta culays maaliyadeed ama hakad ku yimaadda hawlaha ay qabtaan.

Sidaas darteed, dib-u-habaynta la soo jeediyey waxay sidoo kale ku saabsan tahay in la qeexo shaqooyinka muhiimka ah ee ay dowladdu awooddo inay maalgeliso, iyadoo la hagaajinayo nidaamyada shaqaalaysiinta iyo mushaaraadka.

Dakhli intee le'eg ayay Soomaaliya ururisaa? Xaggee se ayay lacagta dowladda ku baxdaa?

Warbixinta ayaa sheegtay in dakhliga gudaha ee Soomaaliya uu sannadkii 2025 gaaray 6.3% wax-soo-saarka guud ee dalka, halka canshuuraha oo keliya ay ahaayeen 4.9%.

Marka lagu daro deeqaha ku jira miisaaniyadaha dowladda, wadarta dakhliga ayaa gaaraysa 11% GDP-ga. Tirooyinkan waxaa lagu daray xogta dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo Somaliland, balse xogta maamulka Banaadir kuma jirto.

Maxamuud Yaasiin Jaamac, oo ah khabiir sare oo arrimaha maamulka kana tirsan Bangiga Adduunka, ayaa BBC Somali u sheegay in kor u qaadista dakhliga gudaha ay muhiim u tahay mustaqbalka maaliyadda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan ay sii yaraanayaan deeqaha caalamiga ah.

Wuxuu sheegay in warbixintu soo jeedinayso xoojinta maamulka kastamyada, casriyeynta canshuuraha, ballaarinta saldhigga canshuur-bixiyeyaasha iyo adeegsiga nidaamyada dhijitaalka ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale ku talisay in la xoojiyo awoodda lagu canshuuro ganacsiyada waaweyn, gaar ahaan qaybaha isgaarsiinta iyo macdanta, isla markaana la iswaafajiyo nidaamyada canshuuraha ee dekedaha.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in kharashaadka amniga, oo ay ku jiraan difaaca iyo kala dambayntu, ay ka yihiin 31% kharashaadka guud ee dowladda, halka adeegyada guud ee maamulka ay yihiin 30%.

Caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha dhaqaalaha, oo ay ku jiraan kaabayaasha dhaqaalaha, ayaa wadajir u hela ku dhowaad 25%.

Warbixintu waxay tilmaantay in lacagaha loo qoondeeyo mashaariicda dhismaha iyo maalgelinta muddada dheer ay ka hooseeyaan 1% GDP-ga, inkastoo dalka ay ka jiraan baahiyo badan oo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ah.

Bangigu wuxuu sheegay in hagaajinta waxtarka kharashaadka dowladda ay muhiim u tahay in la helo dhaqaale lagu ballaarin karo adeegyadaas, iyadoo hoos u dhacayo taageerada dibadda.

Dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada

Maxamuud Yaasiin ayaa BBC Somali u sheegay in dowladda federaalka ay ururiso 71% dakhliga gudaha ee uu ka hadlayey, halka dowlad-goboleedyadu ay ururiyaan 29%.

Wuxuu tilmaamay in dowlad-goboleedyadu ay masuuliyad weyn ka saaran tahay bixinta adeegyada tooska ah ee bulshada, inkastoo dakhliga ay haystaan uu xaddidan yahay.

Bangiga Adduunka ayaa soo jeediyey in la sameeyo nidaam cad oo lagu qaybsado dakhliga, laguna saleeyo tirada dadka, baahiyaha iyo awoodda maamul kasta u leeyahay ururinta canshuuraha.

Warbixinta ayaa sidoo kale ku talisay in maamulka Banaadir loo aqoonsado unug maaliyadeed oo gaar ah marka la dejinayo nidaamka wareejinta lacagaha ee u dhexeeya heerarka dowladda.

Maxamuud Yaasiin ayaa sheegay in miisaaniyadaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo sidoo kale warbixinnada muujinaya sida loo fuliyey, loo soo bandhigo shacabka.

Wuxuu BBC Somali u sheegay in arrintani ay muhiim u tahay in dadweynuhu ogaadaan inta dakhli ee la ururiyey iyo sida loo isticmaalay.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in dowladda ay tallaabo ka qaaddo talooyinka ka soo baxa baaritaannada hanti-dhowrka sannadlaha ah, ka hor inta aan la gaarin sannad-miisaaniyadeedka xiga.

Bangiga Adduunku wuxuu sameeyey saadaal ku salaysan tusaalooyin dhaqaale oo muujinaya waxa dhici kara haddii la fuliyo talooyinka warbixinta.

Sida saadaashaas lagu sheegay, dakhliga gudaha ee Soomaaliya ayaa sannadka 2033 kordhi kara lix dhibcood oo boqolley ah marka loo eego GDP-ga. Waxaa sidoo kale suuragal noqon kara in la abuuro qiyaastii 54,500 boos oo macallimiin ah iyo in ku dhowaad 250,000 shaqo loo beddelo kuwo wax-soo-saar iyo mushaar wanaagsan leh.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in heerka saboolnimadu uu gaari karo 47.2% sannadka 2033, haddii dib-u-habaynta la fuliyo sida lagu qiyaasay. Saadaashan ayaa ku xiran hirgelinta isbeddellada, mana aha natiijo hadda la gaaray.

Bangiga Adduunku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay inay kordhiso dakhligeeda gudaha, yareyso kharashaadka aan waxtarka badan lahayn, isla markaana hubiso in lacagaha la ururiyo ay ka muuqdaan adeegyada dadweynaha.

balse, hirgelinta talooyinka, oo ay ku jirto dhimista tirada wasaaradaha, waxay u baahan doontaa go'aanno ka yimaadda hay'adaha dowladda iyo heshiis ku saabsan sida loo qaybsanayo masuuliyadaha iyo kharashaadka.