Tuulada Al-Nour ee Indhoolayaasha Suuriya: Sidee bay dadka indhaha la' u arkaan AI?

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Xerada Al-Nour ee Idlib, tignoolajiyadu ma aha oo kaliya qalab nolosha lagu fududeeyo, waa daaqad ay dadka indhaha la' ka daawadaan adduun aanay waligood ka quusan.

Xeradan waxaa si gaar ah loogu dhisay si looga badbaadiyo indhoolayaasha iyo qoysaskooda naxdintii dagaalka sanadaha badan dalkaas gilgilay. Wadooyinkeeda waxaa ku qoran farta Braille-ka, guryuhuna waa hoy ay ku wada nool yihiin qoysas leh sheeko isku mid ah.

Laakiin sheekada Maxamuud Xamsa waa ka duwan tahay. Markii uu 18 jir ahaa ayuu araggii lumiyay, balse xamaasadii uu u qabay tignoolajiyadu may lumin. Waxa uu u weeciyay inuu ku baro carruurta tuulada sida ay tignoolajiyadda ugu adeegsadaan nolol maalmeedkooda si ay u arkaan waxa indhahoodu arki waayaan.

Maxamuud wuxuu u sheegay barnaamijka Xusuus-qorka Bariga Dhexe ee BBC-da sida garaadka macmalku u fududeeyay nolosha indhoolayaasha. Wuxuu soo xasuustay xaalad adag oo uusan ka bixi lahayn haddii uusan saaxiibkiis "Gemini" caawin:

"Maalin waxaan u baxay inaan gaaska guriga soo iibsado, ayaan jidkii lumiyay. Isla markiiba waxaan furay Gemini si uu ii sahamiyo hareerahayga oo ii tuso jidka guriga. garaadka macmalku wuxuu ii sheegaa waddooyinka aan maro, wuxuuna iiga digaa haddii gaari i soo socdo ama wax aan ku dhici karo."

Sida uu Xamsa leeyahay, caawinta garaadka macmalku kuma koobna jid-helidda oo kaliya. Wuxuu kaloo ka caawiyaa inay akhriyaan sawir iyo qoraal kasta, sidaas ayuuna qofka indhaha la' ku noqonayaa mid isku filan oo aan cid kale u baahnayn nolol maalmeedkiisa.

Maxamuud wuxuu tilmaamay in horumarka garaadka macmalku ka dhigay indhoolaha inuu telefoonka casriga ah u isticmaalo sida qofka wax arka oo kale, xataa si ka fiican. Wuxuu yiri: "Waxaan ku tiirsannahay barnaamij Shiinees ah oo la yiraahdo Ji Shou (Jishou), waa barnaamij aad u ballaaran oo loogu talagalay indhoolayaasha. Wuxuu noo akhriyaa wax kasta oo shaashadda ku jira, wuxuuna noo suurtageliyaa inaan isticmaalno Facebook, Instagram iyo baraha kale oo dhan."

Maxamuud inta uusan indhaha lumin wuxuu aad u jeclaa tignoolajiyadda. Kadib markii uu indhaha lumiyay, wuxuu diiradda saaray tignoolajiyadda caawin karta isaga iyo asxaabtiisa xerada Al-Nour. Wuxuu noqday macalinka dadka tuulada oo dhan bara sida tignoolajiyadda loo isticmaalo, lacag la'aan. Wuxuu caawiyaa haweenka, ragga iyo carruurta si siman.

Dhakhtarka da'da yar ee Jaamacadda Washington ee cilmiga indhaha wuxuu ka hadlayaa horumarka weyn ee garaadka macmalku sameeyay sannadihii u dambeeyay.

Sidoo kale Aamir Jaraad oo ah maamulaha tuulada Al-Nour, oo isagu ah barakac indhaha lumiyay, wuxuu ka sheekaynayaa sida ay tahay inuu tuulo ku maamulo isagoo indha la'. Waa shaqo u muuqatay mid aan suurtagal ahayn haddii aysan jirin qalabka garaadka macmalku bixiyo ee albaabadii xirnaa u furay, ilaa ay shaqadiisu la mid noqotay qofka caadiga ah. Wuxuu leeyahay tignoolajiyadani ayaa ii suurtagelisay inaan tuulada maamulo, muhiimadda ay u leedahayna wuxuu ku muujiyay: "Barnaamijyada garaadka macmalka ah ee taleefankayga ku jira waxay ii yihiin sida naftayda oo kale."

Tuulada Al-Nour waxaa ku wada nool dad dagaal ku indho beelay iyo kuwo indho la' ku dhashay. Halkan waxaa ka dhalanaysa su'aal: garaadka macmalku labada kooxood si isku mid ah ma u caawin karaa?

Waxaa ka jawaabaya Dr. Fu'aad Al-Sayaad oo xubin ka ah Guddiga Maraykanka ahna la-taliye ku ah cilmiga iyo qalliinka indhaha. Wuxuu sharxayaa in dabiici ahaan uu jiro farqi u dhexeeya qofka indho la' ku dhashay iyo qofka dambe indhaha lumiyay. Qofka dambe lumiyay garaadka macmalku wuxuu u sharxi karaa wax uu horey u yaqaanay sida midabka badda, waayo xusuus muuqaal ah ayuu leeyahay. Qofka indho la' ku dhashay wuxuu ku tiirsan yahay taabasho iyo maqal, waayo xusuus muuqaal ah ma laha. Hase yeeshee garaadka macmalku muddo kadib wuu bartaa sida uu mid walba ugu habboon u sharraxo.

Dhakhtarkaasi wuxuu tusaale u soo qaatay barnaamijka "Be My Eyes" oo maanta leh in ka badan 11 milyan oo mutadawac ah oo u jawaaba oo u sharxa qofka indhaha la'. Hadda garaadka macmalku wuxuu soo galay goobtan isagoo adeegsanaya muraayado casri ah oo leh kaamiro, makarafoon iyo sameecad, si uu u arko waxa qofka hortiisa yaal oo ugu sharxo si degdeg ah oo sax ah.

Wuxuu kaloo tilmaamay awoodda maskaxda bini'aadamka ee la qabsiga, ee cilmiyan loo yaqaano "Neuroplasticity". Taas oo ah in qaybaha maskaxda ee aragga qaabilsanaa ay bilaabaan inay ka shaqeeyaan maqalka iyo taabashada marka qofku indhaha lumiyo, gaar ahaan da'da yar, si maskaxdu ula qabsato indho la'aanta.

Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay rajo cusub oo loogu talagalay malaayiinta indhoolayaasha ah, isagoo aad ugu kalsoon mustaqbalka tignoolajiyadda indhaha oo ku socota laba jiho oo waaweyn: Midda kowaad waa in lagu caawiyo dadka aan wax arkin nolol maalmeedkooda, iyada oo loo marayo muraayado mustaqbalka ah oo fahma meesha ay joogaan, si fiican u sharxa, oo siiya macluumaad maqal ah oo aad u sax ah. Midda labaadna waa rug caafimaad oo mustaqbalka ah oo ah aalado isha lagu rakibo oo qabanaya baaritaanno badan oo hadda loo tago dhakhtarka, kuwaas oo la geyn karo meelaha aan lahayn dhakhtar indho. Wuxuuna sheegay in tignoolajiyadani dhowaan soo gaari doonto Bariga Dhexe iyo Afrika.

Marka dib loogu laabto tuulada Al-Nour, maamulaheeda Aamir Jaraada wuxuu leeyahay waayo-aragnimadan gaarka ah ee bini'aadantinimo waxay maanta wajahaysaa cabsi ku saabsan sii jiritaankeeda. Sababtu waa qorshaha lagu joojinayo xeryaha barakacayaasha Suuriya kadib dhammaadkii dagaalkii 2011 bilowday. Jaraada iyo dadka xerada waxay u arkaan in tani ay tahay xaq ay leedahay dowladda, laakiin taasi ma yareyn cabsida haysata indhoolayaasha xerada oo is weydiinaya: Xaggee ayaan aadeynaa? Xaggee ayaan ku noolaan doonnaa?

Taasi waxay dadka ku riixaysaa inay mas'uuliyiinta ka codsadaan in la siiyo tuulo kale oo ku dhow bartamaha magaalada Idlib, oo ilaalinaysa midnimadooda gaarka ah, oo u ogolaanaysa inay noloshooda ku sii wataan jawi loo habeeyay baahiyahooda aadanenimo ee xaqa ah.

Tuulada Al-Nour ee Idlib, waqooyi-galbeed ee Suuriya, waa goob la deggan yahay oo loo dhisay inay siiso jawi ku habboon dadka aragga naafada ka ah iyo qoysaskooda oo dagaalka ku barakacay. Waxaa lagu dhisay iyadoo laga fikirayo baahida indhoolayaasha nolol maalmeedkooda, sida waddooyinka iyo xarumaha loo habeeyay si ay si fudud ugu socdaan oo madaxbannaanidooda u xoogeysto. Waa bulsho isku keenta dad dagaal ku indho beelay iyo kuwo indho la' ku dhashay. Muhiimaddeedu kaliya ma aha hoy, waxay kaloo abuurtaa jawi bulsho oo is taageera oo u suurtageliya dadkeeda inay nolosha, waxbarashada iyo shaqada sii wataan, si ay uga gudbaan caqabadaha indho la'aantu keento.

Tuuladu waxay ku taal deegaanka Kamouna ee waqooyiga Idlib, oo u dhow Sarmada, waxaana la furay bishii Maarso 2022, waxaana maamula ururo samafal ah. Waddooyinkeeda iyo luuqyadeeda waxaa loo dhisay si ay indhoolayaasha uga caawiso inay keligood u socdaan, iyadoo guryaha iyo xarumaha guud lagu dhejiyay calaamado ku qoran farta Braille-ka, iyo qalab kale oo baahidooda tixgelinaya. Mashruucu wuxuu ka kooban yahay guryo iyo adeegyo ay ka mid yihiin masaajid, iskuul, dukaan iyo goob ay carruurtu ku ciyaarto. Waxayna hoy u tahay qoysas ay ku jiraan dad badan oo indhoole ah, kuwaas oo badankoodu dagaalka ku barakacay.