TOOS , Netanyahu oo sii ahaan doona ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Israa’iil

Benjamin Netanyahu ayaa sii ahaan doona ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Israa’iil, kaddib markii uu taageero ka badan tii la filayay ka helay codbixiyeyaasha Israa'iil.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Netanyahu oo sii ahaan doona ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Israa’iil

    Benjamin Netanyahu
    Qoraalka sawirka, Benjamin Netanyahu

    Benjamin Netanyahu ayaa sii ahaan doona ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Israa’iil, kaddib markii uu taageero ka badan tii la filayay ka helay codbixiyeyaasha Israa'iil. Taasi waxay yaraynaysaa fursadaha ay mucaaradku u haystaan inay xilka kaga qaadaan, inkasta oo isbahaysigiisa midigta uu waayay aqlabiyaddii baarlamaanka.

    Ilaa Arbacadii, markii la tiriyay ku dhowaad boqolkiiba 86 codadka, saddex telefishin oo waaweyn oo Israa’iil ku yaalla ayaa saadaaliyay in isbahaysiga Netanyahu, oo ay ku jiraan xisbiyada midigta, midigta fog iyo kuwa diimeed ee muxaafidka ah, uu heli doono 53 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamaanka Israa’iil, oo loo yaqaan Knesset.

    Tani waxay ka badan tahay kuraasta la saadaaliyay inuu heli doono isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot, kaas oo la filayo inuu helo 48 kursi.

    Netanyahu ayaa sii ahaan doona ra’iisul wasaare ku-meel-gaar ah inta ay socdaan wadaxaajoodyada lagu dhisayo isbahaysi dowladeed oo cusub.

    Xaaladdan ayaa sii socon karta ilaa doorasho kale la qabto sannadka soo socda.

    Inkasta oo dowladda ku-meel-gaarka ahi ay leedahay awood xaddidan oo ku saabsan go’aannada ay qaadan karto, haddana khubaradu waxay sheegayaan inay weli leedahay awoodo ballaaran, oo ay ku jiraan go’aannada la xiriira dagaalka Iiraan.

    Guy Lurie, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Dimuqraadiyadda Israa’iil, ayaa sheegay in sharci ahaan dowladda ku-meel-gaarka ahi ay leedahay awoodaha dowlad caadi ah.

    Hase yeeshee, waxaa laga filayaa inay si taxaddar leh u adeegsato awoodahaas, isla markaana ay xaddiddo xorriyadda go’aan-qaadashada ee arrimaha qaarkood.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  2. Netanyahu oo ku eedeeyay xisbiyada Carabta inay ku shubteen doorashada Israa’iil

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu
    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu

    Xisbiga Likud ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa xisbiyada Carabta ee dalkaas ku eedeeyay inay doorashada ku shubteen, iyagoo adeegsanaya laaluush, cabsi-gelin, rabshado iyo musuqmaasuq codbixineed.

    Bayaan uu soo saaray, xisbiga Likud ayaa sheegay inuu booliska, hay’adda sirdoonka gudaha Israa’iil ee Shin Bet iyo mas’uuliyiinta doorashada u gudbiyay boqolaal caddeymo ah oo la xiriira eedeymahaas.

    Netanyahu ayaa yiri: “Doorashada dalka Israa’iil waxaa lagu shubtay, waxaana arrintaas ka dambeeyay xisbiyada Carabta ee taageera argagixisada iyo dabar-goynta dowladda Yuhuudda.”

    Wuxuu intaas ku daray in xisbiyadaasi ay codbixiyeyaasha ku abaabuleen hanjabaado, laaluush, rabshado, dukumentiyo been abuur ah iyo barnaamijyo mamnuuc ah.

    Hase yeeshee, eedeymahan waxaa soo jeediyay xisbiga Likud, mana jirto ilaa hadda xaqiijin rasmi ah oo ay ka bixiyeen hay’adaha ay khuseyso.

    Tirinta codadka ayaa weli ka socota Israa’iil, iyadoo natiijooyinka doorashada si degdeg ah loo shaacinayo. Si kastaba ha ahaatee, labada isbahaysi siyaasadeed ee ugu waaweyn ee ku loollamaya dhismaha dowladda ayaa u muuqda inaysan haysan aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka ee looga baahan yahay inay helaan guul cad.

    Ka-qaybgalka codbixiyeyaasha ayaa gaaray heer rikoor ah oo ka badan boqolkiiba 77.

    Hase yeeshee, sida la filayay, doorashadu waxay u muuqataa inay dalka gelin karto ismariwaa siyaasadeed.

    Natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujinaya in xisbiyada ay hoggaamiyaan Carabtu ay heli karaan ku dhowaad 19 kursi oo baarlamaanka ah.

    Taasi waxay siin kartaa door muhiim ah oo ay ku go’aamiyaan dhinaca heli kara taageerada ku filan ee lagu dhisayo dowladda cusub.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  3. TPLF oo taliye sare oo ka tirsanaa ku eedeysay khiyaano qaran

    Janaraal Yohannes W/Giorgis
    Qoraalka sawirka, Janaraal Yohannes W/Giorgis

    abhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa ku eedeysay mid ka mid ah taliyayaasheeda ugu sarreeya, Sarreeye Janaral Yohannes W/George, oo Axaddii isu dhiibay ciidamada dowladda Itoobiya, inuu galay “khiyaano qaran”.

    Bayaan ay soo saartay, TPLF waxay taliyaha ku eedeysay inuu xiriir la sameystay cadowga, kaddib dagaalladii ugu dambeeyay.

    Jeneraal Yohannes, oo sidoo kale loo yaqaan John Medid, wuxuu ka tirsanaa taliska dhexe ee TPLF, wuxuuna ahaa taliyaha milatariga ee koonfurta Tigray.

    Sida ay ilo wareedyo BBC-da u sheegeen, Jeneraal Yohannes, ilaaladiisa gaarka ah iyo toddoba taliye oo darajadoodu tahay gaashaanle sare ayaa lagu qasbay inay is dhiibaan, kaddib markii ay ku hareereeyeen ciidamada dowladda Itoobiya iyo xulafadooda deegaanka Qushee Simret ee degmada Rama, bartamaha gobolka Tigray.

    Si kastaba ha ahaatee, dowladda Itoobiya weli wax war ah kama soo saarin arrintan.

    Taliyaha ciidamada ammaanka Tigray, Sarreeye Gaas Gabraigzaaber Bayyanaa, oo sidoo kale loo yaqaan Waddi Anxiruu, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Jeneraal Yohannes uu is dhiibay.

    “Telefoon ayaan kula hadlay. Wuxuu ahaa saaxiibkay iyo taliyahaygii, sidaas darteed si fudud ugama hadli karo arrintiisa. Waa wax wanaagsan inuu nool yahay, waxa ugu muhiimsanna waa inay kulmeen,” ayuu yiri.

    Haddii la xaqiijiyo warka ku saabsan is-dhiibidda Jeneraal Yohannes, falanqeeyayaasha ayaa sheegaya inay tani noqon karto dharbaaxo weyn oo ku dhacda ciidamada Tigray.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  4. Warbaahinta Mareykanka oo hadal-haysa nuxurka warqadda JD Vance u diray Mohsen Rezaei

    J.D. Vance madaxwayna ku xigeenka Mareykanka
    Qoraalka sawirka, J.D. Vance madaxwayna ku xigeenka Mareykanka

    Warbaahinta Maraykanka ee Axios ayaa qortay in Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance, uu warqad uu u diray Mohsen Rezaei, oo ah mas’uul sare oo amniga qaranka Iiraan ah, ku adkeeyay in wadaxaajood kasta oo looga hortagayo weerarro militari oo Maraykanku qaado uu khasab ka dhigo in laga wada hadlo arrinta nukliyeerka Iiraan.

    Mas’uul Maraykan ah oo aan magaciisa la shaacin ayaa sidaas u sheegay Axios.

    Dhanka kale, wargeyska The New York Times ayaa qoray in warqadda Vance ay gaartay Mohsen Rezaei toddobaadkii hore, iyadoo loo sii mariyay dhexdhexaadiyeyaal u dhashay Qatar.

    Toddobaadkii hore, waxaa soo baxay warar sheegaya in wafdi Qatar ah uu gaaray Tehran, xilli ay halkaas booqasho ku joogeen wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, iyo taliyaha ciidamada qalabka sida ee Pakistan, Asim Munir.

    Hase yeeshee, warbaahinta xiriirka dhow la leh Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa beenisay in diyaaraddii siday wafdiga Qatar ay halkaas ka degtay.

    Sidoo kale, telefishinka Al-Carabiya ayaa habeenkii Arbacada sheegay in dadaallo lagu doonayo in Turkigu martigeliyo kulan ka hor 4-ta Nofeembar, si dib loogu bilaabo wadaxaajoodyada u dhexeeya Tehran iyo Washington.

    Warbaahintu waxay intaas ku dartay in arrinta nukliyeerka Iiraan ay ka mid noqon doonto qodobada laga wada hadlayo.

    Dhanka kale, mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan ayaa Arbacadii soo-jeedinta Qatar ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, isagoo carrabka ku adkeeyay in Iiraan aysan wax tanaasul ah ka sameyn doonin arrinta nukliyeerka.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  5. Sacuudiga oo digniin amni oo ah weeraro ka soo saaray Najraan iyo bariga dalka

    Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa aroornimadii Khamiista sheegay inuu qabtay oo burburiyay gantaal nooca ballistic-ga ah oo Xuutiyiintu ku soo rideen gobolka bari ee Sacuudiga.

    Dhanka garoonka magaalada Cadan ayaa waxaa ka dhacay weerar.

    Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa ka digtay “khatar suuragal ah” oo ka jirta gobolka Najraan ee koonfur-galbeed dalkaas iyo sidoo kale gobollada bari.

    Hay’addu waxay dadka ku nool deegaannadaas ugu baaqday inay gabaad ka dhigtaan goobta ammaan ah ee ugu dhow.

    Digniintan ayaa imaanaysa xilli weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ka socdaan gudaha Sacuudiga, kuwaas oo lagu beegsanayo garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo xarumaha shidaalka.

    Dhanka kale, isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay inuu qabtay oo burburiyay gantaal nooca ballistic-ga ah oo Xuutiyiintu ku soo rideen bariga dalka.

    Warar dheeraad ah :

  6. Ururka Xisbullah oo ka hadlay natiijada doorashada Israa'iil

    Xoghayaha guud ee ururka Xisbullah ee Lubnaan, Naciim Qaassim, ayaa sheegay in natiijada doorashada Israa’iil aysan wax muhiimad ah u lahayn ururka, isla markaana uu sii wadi doono iska caabbinta Israa’iil, cid kasta oo ku guuleysata doorashada.

    Iyadoo la tiriyay boqolkiiba 85 codadka doorashada, isbahaysiga midigta ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa wax yar ka horreeyay isbahaysiga ugu weyn ee mucaaradka oo uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot. Hase yeeshee, isbahaysiga Netanyahu weli ma uusan helin aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka.

    “Annaga muhiim nooma aha cidda xukunta Israa’iil. Laakiin waa in ay caddaataa in Israa’iil aysan sii wadi karin qabsashada dhulkeenna, waana inay ka baxdaa,” ayuu Naciim Qaassim ku yiri bayaan qoraal ah oo uu soo saaray Arbacadii.

    Warar dheeraad ah :

  7. Doorashada hoggaanka Israa’iil: Indhaha oo dhan waxay ku jeedaan go’aanka madaxwaynaha israa'iil — Netanyahu mise Eisenkot?

    Doorashada Israa'iil
    Qoraalka sawirka, Doorashada Israa'iil

    Haddii ilaa xalay indhaha oo dhan ay ku jeedeen Benjamin Netanyahu iyo Gadi Eisenkot, hadda waxaa la wada sugayaa go’aanka madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, si loo ogaado cidda uu u xilsaari doono dhismaha dowladda cusub.

    Herzog ayaa si cad u sheegay inuu doonayo inuu ka hortago in dalka uu mar kale doorasho galo, qiimo kasta ha ku kacdee.

    Inkasta oo Netanyahu uu la kulmay dhaleecayn badan, saadaalina laga bixiyay mustaqbalkiisa siyaasadeed, haddana doorashada kama uusan soo bixin isagoo si weyn loo wiiqay. Taageerada lama filaanka ah ee uu helay, iyadoo doorashadan loo arkayay mid wax weyn ka beddeli karta siyaasadda dalka, ayaa u muuqata inay u suuragelinayso inuu xilka sii hayo, ugu yaraan isagoo ah ra’iisul wasaare ku-meel-gaar ah.

    Iyadoo ku dhowaad 90 boqolkiiba codadka la tiriyay, warbaahinta waaweyn ee Israa’iil ayaa sheegtay in isbahaysiga Netanyahu, oo ka kooban xisbiyada midigta, midigta fog iyo kooxaha diimeed ee muxaafidka ah, uu ku socdo inuu helo 53 kursi oo baarlamaanka ah.

    Taas ayaa ka badan 48-ka kursi ee la saadaaliyay inay heli doonto isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot.

    Hase yeeshee, natiijada ugu yaabka badan waxaa gaaray xisbiyada Carabta Israa’iil iyo kuwa Falastiiniyiinta, kuwaas oo ka faa’iideystay ka-qaybgalka codbixiyeyaasha oo sarreeyay, isla markaana la filayo inay ku guuleystaan 19 kursi oo ka mid ah baarlamaanka Israa’iil, oo loo yaqaan Knesset.

    Warar dheeraad ah :