TOOS, Xaaladda magaalada Baydhabo oo saaka kacsan iyadoo iska hor imaadyo laga soo sheegayo magaalada

Xogta aan halkaas ka heleyo waxay sheeegeysaa, in dadka deegaanku ay arkeen ciidamo jihooyin kala duwan ka soo galaya magaalada, inkastoo uusan jirin dagaal xooggan oo haatan dhex maraya labada dhinac.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Madaxweynaha Kenya oo amray in baaritaan lagu sameeyo ganacsatada ajaanibta ah

    Madaxweyne Ruto

    Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Kenya

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Ruto

    Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa amar ku bixiyay in dadka ajaanibta ah ee ku hawlan ganacsiyada yaryar gaar ahaan iibinta badeecadaha tafaariiqda ee dalka Kenya ay joojiyaan, isagoo sheegay in dowladda ay qaadi doonto tallaabooyin lagu ilaalinayo ganacsatada gudaha, lagana hortagayo tartanka aan caddaaladda ahayn.

    Isagoo ka hadlayay kulan uu Arbacadii, 2-dii Sebtembar, Qasriga Madaxtooyada ee Nairobi kula yeeshay ganacsatada ganacsiyada yaryar, kuwa dhexdhexaadka ah iyo kuwa waaweyn (MSME), Ruto wuxuu soo hadal qaaday walaac laga muujiyay in qaar ka mid ah dadka ajaanibta ay dalka ka sameysteen ganacsiyo ay ku iibiyaan badeecado ay ka mid yihiin bustayaal iyo alaabooyin kale, taas oo ay si toos ah ugu tartamayaan ganacsatada yaryar iyo kuwa tafaariiqda iibiya ee gudaha.

    Madaxweynuhu wuxuu sheegay in hindise-sharciyeed haatan horyaalla Baarlamaanka Kenya uu ujeedkiisu yahay in laga hor istaago muwaadiniinta ajaanibta ah inay ku lug yeeshaan noocyo ganacsi oo gaar ah oo dalka ka jira.

    Wuxuu ugu baaqay ganacsatada iyo daneeyayaasha kale inay ka doodaan sharciga la soo jeediyay ka hor inta aan la ansixin, si loo hubiyo in la xiro dhammaan meelaha sharciga ka baxsan ee u oggolaan kara ajaanibta inay ku lug yeeshaan ganacsiga tafaariiqda iyo ganacsiyada kale ee yaryar.

    “Waxaa jira hindise-sharciyeed Baarlamaanka horyaalla oo qeexaya in ay jiraan qaar ka mid ah hawlaha ganacsi ee aysan ajaanibtu ka samayn karin Kenya. Sida uu sharcigu dhigayo, waxaan rabaa inaad fariisataan oo aad ganacsatada kala tashataan, maadaama aan weli la ansixin, si aan u xirno dhammaan meelaha sharciga ka baxsan si uusan qof Shiinaha ka yimid uga noqon ganacsade tafaariiqle ah,” ayuu yiri Ruto.

    Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xitaa inta dowladda ay sugayso in Baarlamaanku ka doodo oo uu ansixiyo sharciga la soo jeediyay, la qaadi doono tallaabooyin maamul oo lagu wajahayo muwaadiniinta ajaanibta ah ee ka shaqeeya tafaariiqda iyo ganacsiyada yaryar.

  2. Maxaa ka jira inay isu milmeen Al-Shabaab iyo ciidanka Laftagareen?

    Al-Shabaab

    Xigashada Sawirka, AP

    Qoraalka sawirka, Al-Shabab

    Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen balse isagu sheegay inuu weli yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi, ayaa beeniyay in xiriir uu kala dhaxeeyo al-Shabaab kadib markii dowadda federaalka ah iyo maamulka cusub ee Koonfur galbeed ay ku eedeeyeen wada shaqeyn in ay kala dhaxeyso Shabaab iyo ciidamo isaga taabacsan oo ku sugun duuleedka Baydhabo.

    Laftagareen oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed ay u adkeysan la'yihin dhibaatada lagu hayo shacabka deegaannadaasi, isla markaana ay doonayaan in ay ka dulqaadaan wax uu ku tilmaamay ciidamo ku soo duulay oo deegaanno kale laga keenay. Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC:

  3. Laftagareen oo sheegay in ciidamadiisa duleedka Baydhabo jooga aaney kaligood ahayn

    Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed
    Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed

    Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa shegay in ciidamada isaga taabacsan ee jooga duleedka magaalada Baydhabo ay la socdaan wasiirro, agaasimayaal iyo guddoomiyaal horey uga tirsanaa maamulkiisii.

    Wuxuu sheegay in ay duurka ku shaqeeyaan isla markaana ay qabtaan howlahoodii caadiga ahaa.

    Qodobkaan ayaa madaxweyne hore Lafta gareen ku sheegay waraysi uu siiyay BBCSomali, isagoo intaa ku daray in ciidamadiisu aaney ka dheereyn magaalada.

    Dhanka kale, Golaha wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmo ka hor mar kale ku eedeyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen in ciidamada isaga taabacsan ay ku biireen al-Shabaab oo ay isku deegaanno joogaan isla markaana khal-khal amni ku hayaan deegaannada Koonfur Galbeed.

    War laga soo saaray shir golaha wasiiradu maanta yeesheen ayaa lagu sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay ciidamada madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed iyo kuwa al-Shabaab ay si isku mid ah ula dhaqmi doonaan.

    Warkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan uu beeniyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen in wax xiriir ah uu ka dhaxeeyo al-Shabaab iyo ciidamada isaga taabacsan ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo.

    Wuxuu sheegay in ujeedka ciidamadiisa ay tahay in ay dadka reer Koonfur Galbeed ka dul-qaadaan wax uu ku tilmaamay dulmi iyo tacaddi lagu hayo.

    Sidoo kale akhriso:

  4. War deg deg ah, Iska hor imaad aga soo sheegayo magaalada Baydhabo

    Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada mamulka KGS iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen

    Xogta aan halkaas ka heleyo waxay sheeegeysaa, in dadka deegaanku ay arkeen ciidamo jihooyin kala duwan ka soo galaya magaalada, inkastoo uusan jirin dagaal xooggan oo haatan dhex maraya labada dhinac.

    Dadka deeganka waxay kaloo sheegeen inay arkeen ciidamo afka u duuban yahay, balse BBC-da si madax banana uma xaqiijin karto waxa ay yihiin ciidankaas.

    Isu socodka magaalada ayaa hakad galay iyadoo dadka ay intooda badan ku sugan yihiin guryaha, iyagoo ka cabsi qaba waxa ka socda magaalada.

    Weerarkan ayaa bilowday aroortii, gaar ahaan markii laga soo baxay salaadda subax.

    Wixii ka ka soo kordha iska hor imaadkan Baydhabo, halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonaa.

    Sidoo kale akhriso: