Maxaan ka naqaannaa Cabdullaahi Ikhlaas, madaxiii sirdoonka al-Shabaab ee dowladda Soomaaliya ay sheegta in la dilay?

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in ciidamada dowladda iyo saaxiibbada caalamiga ah ay dileen dhowr sarkaal oo sare oo ka tirsan al-Shabaab, kuwaas oo qaabilsanaa sirdoonka, walxaha qarxa iyo hawlgallada maleeshiyada, intii lagu guda jiray hawlgallo milateri oo wadajir ah oo dhawaan la sameeyay.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo ka dhacay magaalada Muqdisho, Wasiirka Warfaafinta Cabdifitaax Qaasim ayaa sheegay in mid ka mid ah hawlgalladii ugu dambeeyay lagu dilay Cabdullaahi Xaashi Xirsi (oo loo yaqaannay Ikhlas), kaas oo ay dowladdu ku tilmaamtay madaxa qaybta sirdoonka ee al-Shabaab.
"Ikhlaas waxaa lagu dilay 23-kii Agoosto hawlgal qorsheysan oo laga fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo ay si wadajir ah u fuliyeen Hay'adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah," ayuu yiri wasiir Cabdifitaax Qaasim.
Kumuu ahaa Ikhlaas?
"Ikhlaas ayaa xilkan hayay tan iyo sannadkii 2013-kii, wuxuuna ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu muhiimsan hoggaanka sare ee Khawaarijta" ayaa lagu yiri war kasoo baxay dwoladda.
Sida uu sheegay wasiir Qaasim, Ikhlaas wuxuu ahaa 46 jir ku dhashay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ku biiray kooxda al-Shabaab sanadkii 2006-dii.
Ninkan ayaa muddo ka badan dhowr iyo toban sano ka mid ahaa tiirarka muhiimka u ah al-Shabaab isagoo xilka madaxa sirdoonka ee kooxda hayey sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
Cabdisalaan Guuleed Yuusuf oo ah falanqeeye arrimaha ammaanka ah horreyna us oo noqday taliye xigeenka hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa xusay in Ikhlaas uu ka mid ahaa asaasayaashii kooxda uuna ka mid yahay ragga fara ku tiriska ah ee ka nool raggaas.
Dilkiisa ayuu Guuleed sheegay inay ka dhigtay "Guul weyn oo u soo hoyatey Soomaaliya. Waxay ka dhigan tahay dhibaato weyn oo miisaan culus ah oo al-Shabaab soo gaartay," ayuu yiri.
