TOOS, Sirdoonka Mareykanka: Qorshaha Iran ay ku dooneyso in ay ku disho dad Mareykan ah ayaa gaaray “heer aad u sareeya”
Qorshaha Iran ay ku beegsaneyso diblomaasiyiinta Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo meelo kale ayaa kordhay. Donald Trump wuxuu sheegay in tallaabo cusub oo militari ka qaadayo Iran
Kooban
Mareykanka ayaa sheegay in ay Iran qorsheyneyso dilka diblomaasiyiintooda
Donald Trump ayaa ugu hanjabay Iran in uu tallaabo ka qaadayo
Melania Trump oo dhexdhexaadisay xabadjoojinta magaalo ku taal Ukraine
Taliyaha Ciidamada Iran ayaa sheegay in aysan u oggolaan doonin maraakiibta Mareykanka gacanka Beershiya
Tebin toos ah
Xuutiyiinta oo sheegay in Sacuudigu weeraro dhimasho sababay ka gaystay Sanca
Xigashada Sawirka, EPA
Shabakadda
Al-Masirah, oo ay maamulaan Xuutiyiintu, ayaa warisay in diyaaradaha Sacuudigu
ay duqeymo ka geysteen magaalooyinka Mukha iyo Sanca.
Sida lagu
sheegay warbixintan, weerarka ka dhacay Sanca ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac
soo gaaray dad dhowr ah, waxaana sidoo kale la sheegay in ku dhawaad 20 weerar ay ka dhaceen Mukha,
iyadoo diyaaraduhuna ay weli dul heehaabayaan magaalada.
Weerarradan
ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysteen weerarrada labada dhinac ee u dhexeeya
isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga iyo Xuutiyiinta, kuwaas oo dhacayay
toddobaadyadii ugu dambeeyay.
Dibadbaxayaal ayaa isugu soo ururay magaalada Orleans ee Faransiiska
Xigashada Sawirka, Reuters
Kumanyaal qof oo ka tirsan kooxaha garabka bidix ee Faransiiska ayaa socod-dibadbax ka wada magaalada Orléans oo qiyaastii 120 kiiloomitir koonfurka xigta Paris, halkaas oo xisbiga National Rally ee garabka midigta fog uu shir ku qabanayo dhammaadka toddobaadkan.
Tirobadan oo boolis ah ayaa la geeyay magaalada, waxaana la hakiyay adeegyada gaadiidka dadweynaha.
Marine Le Pen, oo ah hoggaamiyaha xisbiga National Rally, ayaa la filayaa in ay shirka labada maalmood soconaya ka bilowdo ololaheeda ay ugu tartamayso xilka madaxweynaha Faransiiska.
Ra'yi-ururinnadaayaa muujinaya in doorashadan
ay Le Pen u tahay fursadii ugu weyneyd ee ay ku noqon laheyd madaxweyne,iyadoo markii afraad u tartamaysa xilkaas, inkastoo maxkamad ay horraantii sannadkan ku heshay dambi la xiriira lunsashada lacagaha Midowga Yurub.
LePen ayaa beenisay in ay wax dambi ah gashay, waxayna racfaan ka qaadatay xukunkaas.
Faransiiska ayaa u diyaargaroobaya dibadbaxyo la xiriira qiimaha nolosha oo sare u kacay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Faransiiska ayaa wajahaya mowjad
cusub oo dibadbaxyo ah oo looga horjeedo sicir bararka iyo xaaladaha sii
xumaanaya ee dugsiyada, iyadoo laga cabsi qabo in ay soo noqdaan rabshadihii
iyo bililiqadii dukaamada ee dhacday toddobaadkii hore.
Dowladda ayaa sheegtay in ay geyn
doonto meelo kala duwan oo dalka ah 70,000 oo askari oo boolis ah, waxayna
ballanqaadday in ay tallaabo degdeg ah qaadi doonto haddii ay soo baxaan wax
calaamado ah oo muujinaya rabshado ama qalalaase.
Wuxuu intaas ku daray in
dowladdu aysan u dabci doonin dadka waxyeelleeya hantida, kuwa wax dhaca iyo
dhammaan dadka ku lugta leh falalka rabshadaha wata. Wuxuu sidoo kale sheegay
in marka laga soo tago dibadbaxyada la qorsheeyay, ay baraha bulshada ku jiraan
farriimo badan oo rabshado hurinaya, kuwaas oo ay faafinayaan kooxaha garabka
bidix iyo kuwa bidixda fog.
Magaalada Paris, ganacsatada
ayaa xiray dukaamadooda, qaarna waxay ku dabooleen alwaax si ay uga hortagaan
falal waxyeello geysan kara. Magaalada Orléans, oo ku taalla koonfurta Paris,
ayaa ka mid ah meelaha sida weyn looga walaacsan yahay.
Dibadbaxyada ayaa markii hore ku
bilowday ardayda dugsiyada sare oo dalbanayay in la hagaajiyo goobaha
waxbarashada, lana xalliyo macallimiinta iyo shaqaalaha kale ee yaraaday. Hase
yeeshee, meelo ka mid ah dalka ayaa markii dambe rabshado ay ka dhaceen.
Xisbiga garabka midigta fog ee
National Rally ayaa shirkiisa sannadlaha ah ku qabanaya magaaladaas.
Hoggaamiyaha xisbiga, Marine Le Pen, ayaa la filayaa in ay si rasmi ah ugu
dhawaaqdo in ay doonayso in ay u tartanto xilka madaxweynaha doorashada dhici
doonta sannadka soo socda.
Maraykanka oo machadyo Shiineysa ah ku tilmaamay kuwa qatar ku ah amniga qaranka
Waaxda
Difaaca Mareykanka ayaa u aqoonsatay "Machadyada Confucius" — kuwaas
oo ah xarumo lagu barto luuqadda iyo dhaqanka Shiinaha — inay yihiin kuwa khatar ku
ah amniga qaranka Mareykanka.
Muuqaal
lagu baahiyay baraha bulshada, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegsett ayaa
machadyadan ku tilmaamay "xarumo faafinaya dacaayad," wuxuuna sheegay
in tobanaan xarumood oo noocan ah, balse wata magacyo kala duwan, laga
hirgeliyay jaamacadaha Mareykanka.
Wuxuu ku
eedeeyay machadyadan inay isku dayayaan inay xadaan hantida aqooneed, isla
markaana — sida uu hadalka u dhigay — ay "dhex galaan maskaxda ardayda
Mareykanka."
Mudane
Hegsett ayaa sheegay in Waaxda Difaaca Mareykanka ay si nidaamsan u
burburinayso xarumahan.
Safaaradda
Shiinaha ee Washington weli kama aysan hadlin arrintan.
Turkiga oo cadeeyay mowqifkiisa ku aadan in uu dagaal ku qaado Xuutiyiinta Yemen iyo in kale
Xigashada Sawirka, AA
Wasiirka Difaaca Turkiga, Yaşar Güler, ayaa shaaciyay in dalkiisu — isagoo ku dhaqmaya heshiis difaac oo wadajir ah oo ay la leeyihiin Sacuudi Carabiya iyo Pakistan — uusan qorsheynayn inuu galo iska horimaad militari oo uu la galo kooxda Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo ay taageerto Iiraan.
"Kama fikirinayno inaan galno nooc kasta oo iska horimaad ah oo aan la galayno Xuutiyiinta," ayuu yiri Mr. Güler oo wareysi siinayay telefishinka Turkiga ee Star.
Wuxuu intaas ku daray in taageero militari oo kasta oo Turkigu siiyo Sacuudi Carabiya — sida joogitaanka ciidamada Turkiga ee Qatar — ay ujeeddadeedu ugu horreyn tahay xoojinta awoodda ka-hortagga qataraha.
Wasiirka Difaaca Turkiga ayaa sheegay in Ankara ay dib u eegi doonto codsiyada suurtagalka ah ee Sacuudi Carabiya ee ku aaddan kaalmada militari. Marka uu baarlamaanku ansixiyo heshiiska difaaca, ayay go’aamin doonaan nooca iyo qaddarka kaalmadaas, iyadoo la raacayo habraacyada sharciga ah iyo oggolaanshaha lagama maarmaanka ah ee baarlamaanka.
Safaaradda Mareykanka ee Urdun ayaa kordhisay tallaabooyinka ammaanka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Safaaradda
Mareykanka ee caasimadda Urdun ayaa ku dhawaaqaday tallaabooyin amni oo aad loo
adkeeyay in laga hirgeliyay dalkaas.
Safaaradda
Mareykanka ee Cummaan ayaa sheegtay in la adkeeyay amniga xarumaha ganacsiga,
safaaradaha shisheeye iyo goobo kale oo ku yaalla Urdun kaddib markii shalay
oo jimco aheyd la weeraray kinisad.
Madaxda Urdun
ayaa weerarka ku tilmaamay fal argagixiso ah oo ay geysteen xagjirayaal. Madaxa
hay’adda amniga dadweynaha Urdun ayaa sheegay in toddobo qof ay ku dhinteen
weerarka iyadoo tiro kale oo intaas ka badan ay ku dhaawacmeen kaddib markii
rag hubeysan ay rasaas ku fureen dad isugu yimid kinisadda oo dug ka
qeybgalayay.
Weerarada
noocaan ah ayaan ka dhicin Urdun balse mas’uuliyiintu waxay sheegeen in
sannadihii u dambeeyay ay fashiliyeen weeraro ay soo qaadeen xagjiriin.
Madaxda Urdun
waxay sheegeen in ay weli raadinayan dadkii weerarka ka dambeeyay iyagoo intaas
ku daray in ay weli goor hore tahay in la go’aamiyo hadii kuwa weerarka soo
qaaday xiriir la leeyihiin kooxo ku sugan gudaha ama dibadda Urdun.
Taliyaha Ciidamada Iran: Uma oggolaan doono maraakiibta Mareykanka in ay markale soo galaan gacanka Beershiya
Xigashada Sawirka, Reuters
Taliyaha
ciidamada Iran, Cali Cabdullaahi, ayaa sheegay in aan loo oggolaaneyn Maraakiibta
Iran in ay dib u soo galaan gacanka Beershiya.
Mr. Cabdullaahi
waxa uu sheegay, “Madaxweynaha Mareykanka wuxuu ku riyoonayaa in ciidamadiisu
ay markale soo galaan Gacanka Beershiya. Riyadaas waa mid ay qabriga la gali
doonaan”.
Wuxuu intaas
ku daray, “ Uma oggolaaneyno maraakiibta Mareykanka in ay soo galaan Gacan
Beershiya wax kasta oo dhaca”.
Madaxweyne
Donald Trump ayaa ku eedeeyay Iran in ay wax kasta u sameynayaan sidii ay sicirka
shidaalka kor ugu qaadi lahaayeen ka hor doorashada Mareykanka.
Madaweynaha
Mareykanka wuxuu kaloo sheegay in shidaalka ka soo gudbo marinka Hormuz uu
hadda ka badan yahay kii mari jiray dagaalka ka hor, taasina waa sababta ay
Iran u qaadeyso tallaabo kasta oo sicirka shidaalka lagu kordhinayo.
Trump: Waxaa suuragal ah in aan tallaabo milatari ka qaadno Iran
Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida laga soo xigtay qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha
sirdoonka Mareykanka, Iran waxay “si weyn u kordhisay dadaallada ay ku
beegsaneyso diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta kale ee Mareykanka ee ku sugan
Bariga Dhexe iyo meelo kale oo caalamka ah.
Qorshaha Iran ayaa la sheegay in uu gaaray
halkii ugu sareysay.
Qoraalkan ka soo baxay xoghayaha arrimaha
dibadda Mareykanka ayaa ku soo aaday xili Mareykanka uu dhimay tirade shaqaalaha
dibolmaasiyiinta ah ee ku sugan dhow dal oo ku yaal Bariga Dhexe.
Madaxweyne Donland Trump ayaa sheegay in Iran
uu ka qaadayo tallaabo cusub oo milatari.