8 ka mid ah dhismayaasha ugu midabbada quruxda badan dunida

Published
Waqtiga akhriska: 9 daqiiqo

Muddo dheer, dadka naqshadeeya dhismayaasha waxay midabka u isticmaali jireen sidii qalab muhiim ah oo lagu kordhiyo soo-jiidashada iyo hal-abuurka shaqadooda.

Isticmaalka midabka si loogu muujiyo farxad iyo qurux wuxuu soo jiray kumanaan sano.

Dadkii hore ee Neanderthal ee kumanaan sano ka hor noolaa ayaa godadkii ay degganaayeen ku qurxin jiray midabbo ay ka diyaariyeen ciid iyo macdano kala duwan.

Intaa kadib, ilbaxnimooyinkii hore ee Masar iyo Giriigga waxay dhiseen macbadyo lagu qurxiyay midabbo dhalaalaya oo qurux badan, halka Roomaankuna ay midabbo kala duwan u adeegsan jireen si ay u qurxiyaan dhismayaashooda waaweyn.

Dhammaan xilliyadii kala duwanaa ee taariikhda, midabku wuxuu ahaa qayb lagama maarmaan u ah qurxinta dhismaha, waxaana lagu arki jiray meel walba.

Tusaale ahaan, midabku wuxuu door weyn ku lahaa daaqadaha muraayadaha midabka leh ee kaniisadihii dhexe, sidoo kale wuxuu ku jiray saqafyada iyo gidaarada lagu qurxiyay sawirradii farshaxanka ee xilligii Talyaaniga ee Renaissance-ka loo yaqaanay fresco.

Sidoo kale, midabku wuxuu noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah dhismayaasha casriga ah ee leh wejiyo dhalaalaya oo iftiimaya qarnigii 20-aad iyo 21-aad. Tusaale ahaan waxaa ka mid ah albaabka laba-jibbaaran ee Xarunta Pompidou ee ku taal magaalada Malaga, oo uu naqshadeeyay Daniel Buren, kaas oo caan ku ah sida gaarka ah ee uu u adeegsaday iftiinka iyo midabka.

Naqshadeeyaha Adam Nathaniel Furman iyo qoraaga Kate Mazade waxay ku sheegeen buuggooda lagu magacaabo Chromatic Architecture: The Craft of Colour in Design_ in midabku yahay "wax muhiim ah oo dhismaha qurxiya, ka dhiga mid soo jiidasho leh, isla markaana farxad siinaya oo aan hab kale lagu gaari karin."

8-daan dhisme waxay si cad u tusayaan sida midabku u beddeli karo muuqaalka iyo dareenka uu dhismuhu bixinayo, iyagoo ku dhiirigelinaya naqshadeeyayaasha inay si geesinimo leh u isticmaalaan midabka dhismayaasha ay dhisayaan.

1. Macbadka Sri Ranganatha Swamy, oo ku yaal gobolka Tamil Nadu ee dalka Hindiya

Macbadka Sri Ranganatha Swamy ee ku yaal Tamil Nadu waa mid ka mid ah dhismayaasha ugu caansan dalka Hindiya.

Isku darka midabada dhalaalaya sida buluugga, cagaarka, jaallaha, casaan dhalaalaya iyo guduudka ayaa ka dhigaya tusaale aad u wanaagsan oo muujinaya sida midabka loogu isticmaali karo in lagu muujiyo dhaqanka, diinta iyo aqoonsiga deegaanka.

Muuqaalkiisa soo jiidashada leh awgeed, macbadkan wuxuu noqday mid ka mid ah astaamaha ugu caansan ee naqshada Hinduuga ee adduunka.

Dhismaha Macbadka Sri Ranganatha Swamy waxaa la bilaabay qarnigii 1-aad ee miilaadiga ka hor, waxaana muddo qarniyo ah soo ballaariyay maamullo kala duwan ilaa dhammaadkii qarnigii 20-aad.

Maanta, wuxuu ka mid yahay dhismayaasha diimeed ee ugu waaweyn adduunka, wuxuuna ku fadhiyaa dhul ka badan 60 hektar.

Goobtaas waxaa ku hareereysan 21 albaab oo waaweyn oo laga galo oo loo yaqaan gopuram, kuwaas oo lagu qurxiyay boqollaal taallo oo midabbo dhalaalaya oo soo jiidasho leh. Qurxintaas saddex-cabbirka ah waxay ka dhigeysaa macbadka mid ka mid ah tusaalooyinka ugu caansan ee naqshada dhaqameedka Hinduuga.

2. Palau de la Musica Catalana, Barcelona, Spain - Qasriga Muusiga ee Catalan, Barcelona, Spain

Quruxda hoolka riwaayadaha ee Palau de la Música Catalana, oo la dhisay 1908-dii, waxay u noqotay astaan muujineysa aqoonsiga Catalonia, oo ah gobol ka tirsan Spain oo leh dhaqan qani ah iyo taariikh horumar warshadeed.

Dhismahan oo uu naqshadeeyay Lluís Domènech i Montaner, wuxuu isku daraa noocyo kala duwan oo dhisme ah oo ay ku jiraan Art Nouveau, Romanesque iyo Neo-Gothic, oo ay weheliso saamaynta qaab-dhismeedka Mudéjar iyo dhaqanka Valencia.

Sida uu qabo Geoffrey Furman oo ah khabiir ku xeel dheer taariikhda naqshadaha, gees kasta oo ka mid ah Palau de la Música wuxuu xambaarsan yahay calaamado iyo astaamo ka dhigaya dhismaha mid u muuqda goob aad u qurux badan oo aan caadi ahayn, oo la mid ah halkii ay ka dhici jireen sheeko-xariirooyinka carruurta.

Furman wuxuu yiri, "Dhammaan dhagaxyada, tiirarka, geesaha iyo bilicda dhismahan waxaa lagu qurxiyay midabyo iyo naqshado soo jiidasho leh oo u eg kuwo nool oo si yaab leh u shaqeynaya."

3.Daarta Guardian ee ku taal magaalada Detroit ee gobolka Michigan, dalka Maraykanka

Daartan xafiisyada ah oo la dhisay sannadkii 1929-kii, oo uu naqshadeeyay Wirt C. Rowland, waxay dadka deegaanka u bixiyeen "Cathedral-ka Lacagta", taas oo ay ugu wacan tahay quruxdiisa, qaabka raaxada leh, iyo qiimaha taariikheed ee uu leeyahay.

Waxaana sidoo kale loo aqoonsan yahay inuu ka mid yahay dhismayaasha ugu muhiimsan adduunka ee ku dhisan qaabka Art Deco.

Markii uu BBC-da la hadlayay, Mazade wuxuu sheegay in Rowland uu midabada u adeegsaday si uu u soo bandhigo xirfadda heerka sare ah ee ay lahaayeen farsamayaqaannada ka soo jeeda gobolka Harooyinka Waaweyn ee Maraykanka bilowgii qarnigii 20-aad.

Qaybta dibadda ee dhismahan waxaa lagu dahaaray ku dhawaad laba malyuun oo leben cas ah oo laga sameeyay dhoobo la dubay, kuwaas oo leh midab liin ah, isla markaana siinaya dhismaha muuqaal gaar ah oo lagu aqoonsado.

Gudaha dhismaha, hoolka weyn wuxuu leeyahay saqaf ka kooban saddex qaanso oo is dul saaran, waxaana lagu qurxiyay lebenno midabyo aasaasi ah leh oo loo habeeyay qaab u eg buste googo'an.

Mazade wuxuu intaas ku daray: "Dhismahani wuxuu astaan u ahaa guulihii waaweynaa ee ganacsi ee magaalada Detroit ay gaartay xilligaas, wuxuuna ilaa maanta ahaanayaa xusuus nool oo ka tarjumeysa barwaaqadii waqtigaas jirtay."

4.Bakhaarka De Bijenkorf, ee ku yaalla Eindhoven, Netherlands

Sidoo kale, farshaxan-yahanka Talyaaniga ah ee caanka ah ee dhismaha iyo naqshadeynta ku xeel dheer ee Gio Ponti ayaa sanadkii 1969 fikradda dhismahan ka helay muuqaalka beeraha cagaaran ee Holland ee qaabka shabaqa ah uu ku arkay isagoo diyaarad saaran.

In dhisme weyn oo aan daaqado lahayn la siiyo muuqaal gaar ah oo soo jiidasho leh waxay caqabad weyn ku noqon lahayd naqshadeeyayaal badan, balse Ponti arrintaas caqabad kuma ahayn, maadaama loo aqoonsan yahay inuu ka mid yahay hormuudayaashii ugu waaweynaa ee naqshadaha casriga ah, oo ay la socdaan magacyo caan ah sida Le Corbusier iyo Mies van der Rohe.

Sida uu sheegayo Geoffrey Furman, Ponti wuxuu dhismahaas u rogay "muuqaal ballaaran oo aad u soo jiidasho badan oo leh dhalaal cagaar emerald ah", kaas oo gebi ahaanba ka duwanaa dhismayaasha kale ee xilligaas jiray.

Markii uu sidaas yeelay, wuxuu wejiga shamiitada ah ee caadiga ahaa ee xilligaas si weyn u jiray u beddelay farshaxan casri ah oo tayo sare leh, kaas oo magaaladaas siiyay bilic iyo muuqaal cusub.

5.Guryaha la Kireysto ee Reversible Destiny Lofts, Tokyo, Japan

Mashruucan guryaha kirada ah ee la dhisay sannadkii 2005, waxaa loo sameeyay si loogu maamuuso Helen Keller, oo ahayd qoraa u ololeysa xuquuqda dadka naafada ah ee ka soo jeedda Maraykanka.

Buugga ayaa sheegaya in sagaalka guri ee nooca 'loft' loo yaqaan — oo ay naqshadeeyeen Shusaku Arakawa iyo Madeline Gins — ay yihiin isku-dar gaar ah oo casri ah (bricolage) oo ka kooban qaabab kala duwan sida dhululubada, saddex-xagalka leydi ah, kubbadaha, iyo walxo dhismeed oo casri ah oo midabyo aad u dhalaalaya leh.

Waxyaabahaas oo dhan waxaa loo isku keenay si loo abuuro deegaan nooleed oo ka duwan kan caadiga ah oo u gaar ah, halkaas oo qayb kasta oo ka mid ah gidaarada iyo shay kasta oo ka mid ah alaabta guriga ay ka buuxdo firfircooni ay keeneen midabyo aad u xoog badan oo kala duwan.

Farshaxan-yahanka Arakawa iyo gabyaadda Gins waxay damacsanaayeen in ay dadka deegaanka deggan ka saaraan xaaladda raaxada iyo xasilloonida caadiga ah ee ay ku nool yihiin, isla markaana ay ku dareensiiyaan isbeddel iyaga oo adeegsanaya habka ay u doorteen midabada.

Mazade wuxuu sharxayaa: "Waxay rumeysanayeen in haddii deegaanka uu awoodo inuu dadka ka bixiyo hab-nololeedkooda ah ee fadhiidnimada ah ee gudaha kaliya ku kooban, oo uu tamar cusub siiyo, ay awoodi doonaan inay cimri dheer noolaadaan."

Waxay isku dareen dabaqyo leh qaab hirar ah iyo qolal u eg kubbad, kadibna waxay ku qurxiyeen isku darka midabbo kicinaya dareen aad u xooggan oo farxad leh — wax walbana, marka la eego dhinaca aragtida, ujeeddadiisu waxay ahayd in ay faa'iido u yeelato dadka halkaas ku nool, ayuu raaciyay.

6. Warshadda Qashinka lagu Gubo ee Maishima, Osaka, Japan

Farshaxan-yaqaan iyo naqshadeeye ka yimid Austria oo lagu magacaabo Friedensreich Hundertwasser ayaa geeriyooday sannadkii 2000, taas oo ahayd hal sano ka hor inta aan la dhamaystirin dhismahan.

Buuggaas wuxuu sheegayaa in Hundertwasser lagu yaqaanay inuu diiddanaa habka naqshadeynta ee casriga ah (modernism) ee mudnaanta siinayay dhismayaasha wejiyadoodu siman yihiin oo isku mid ah. Beddelkeeda, wuxuu rumaysnaa in dhismayaasha ay tahay inay u ekaadaan nooleyaal nool oo si joogto ah u koraya isla markaana isbeddelaya, halkii ay ka ahaan lahaayeen mashiinno loogu talagalay inay qabtaan hawl gaar ah oo keliya.

Xagga Hundertwasser, falsafadan waa in lagu dabaqaa dhammaan noocyada kala duwan ee dhismayaasha, laga bilaabo guryaha la deggo ilaa dhismayaasha warshadaha.

Warshadda Maishima waxaa lagu tilmaamaa inay u eg tahay qasri khiyaali ah oo ka yimid sheekooyinka carruurta, illaa heer marar badan lagu qaldo inay tahay qayb ka mid ah goobta madadaalada ee u dhow.

Xariiqo jaalle ah oo u eg kuwa gacanta lagu sawiray ayaa u muuqda inay ka soo qulqulayaan qaybaha hoose ee dhismaha, halka munaaraddiisa dheer ee wareegsan ay ku xardhan tahay xariiqo la mid ah oo midabkoodu yahay guduud.

Dhismayaasha oo dhan ee ku dhex yaal xeradaas, oo ay ku jiraan qaybo loo dhisay habka ay tiirarkoodu dibadda u soo baxaan, waxay ku dul taagan yihiin tiirar gaagaaban oo wareegsan kuwaas oo lagu qurxiyay lebeno midabyo kala duwan leh.

Sida ay sheegtay qoraaga Kate Mazade, qayb kasta oo ka mid ah dhismahan waxay astaan u tahay diidmada ka dhanka ah xeerarka caadiga ah ee dhismaha loo naqshadeeyo.

Mazade waxay tiri: "Warshad qashinka lagu farsameeyo oo leh tuubada qiiqa ka baxo oo midabkeedu yahay cagaar-buluug, derbiyo ay ku xardhan yihiin qaabab laba jibaaran ah iyo xariiqyo midabkoodu yahay jaalle iyo casaan ifaya; maxaa ka sii caasi ah oo ka sii fog xeerarka intaas?"

7. Maktabadda Leganés, Leganés, Isbaanishka

Maktabaddan guud iyo xarunta lagu keydiyo dukumentiyada degmada, oo la dhisay sanadkii 2019, laguna naqshadeeyay shirkadda BN Asociados Arquitectos, ayaa loogu talagalay inay si toos ah u muujiso waxa gudaha ku jira.

Qaabkeeda dibedda ee mawjadaha u eg, oo lagu dahaaray foornooyin waaweyn oo midabbo pastel ah leh, ayaa la jaanqaadaya qaab-dhismeedka dhismaha, wuxuuna keenayaa muuqaal u eg safaf buugaag ah oo armaajo ku habaysan. Ujeeddada naqshaddan ayaa ah inay muujiso tirada badan iyo noocyada kala duwan ee buugaagta maktabadda gudaha ugu jirta.

Waxa intaa dheer, dhismahani waxa uu u xuubsiibtay astaan dhaqameed oo muhiim ah, taas oo ku taal xaafad cusub oo ku taalla Madrid oo markii hore aan lahayn meel soo jiidasho leh oo heerkan ah.

Mazade waxa uu sharxayaa isaga oo leh: "Marka iftiinka qorraxdu isbeddelo oo uu ku dhaco wejiga hore ee dhismaha ee ka samaysan foornada mawjadaha leh, midabkiisa pastel-ka ah ee xasilloon iyo muuqaalkiisa aan dhalaal lahayn ayaa abuuraya dareen la mid ah waraaqda."

8. Dhismaha Tiirarka leh ee Croydon, London, UK

Waddada lugta lagu maro oo dhererkeedu yahay 50 mitir, kuna taal Croydon ee UK, ayaa la dhisay sanadkii 2003 waxaana naqshadeeyay Adam Nathaniel Furman, iyadoo ujeedka laga lahaa uu ahaa in naqshad soo jiidasho leh lagu soo kordhiyo deegaan aan caan ku ahayn dhismayaal astaamo gaar ah leh.

Naqshaddu waxay ka kooban tahay 16 tiir oo waaweyn iyo laba darbi oo ballaaran, kuwaas oo dhammaantood lagu dahaaray kumanaan foornooyin ah oo saddex xagal ah oo gacanta lagu farsameeyay.

Foorno kasta waxaa lagu dahaaray dhaldhalaal gaar ah oo iftiinka celinaya, kaas oo leh midabbo qoto dheer oo hodan ah. Qaybta hoose waxay leedahay midab buluug ah oo aad u mug weyn oo u eg gunta badda, halka qaybta sare ay si tartiib tartiib ah ugu isu beddesho midab cad oo kareem ah.

Ujeeddada mashruucan waxay ahayd in saldhigga tareenka ee East Croydon la keeno qaybo ka mid ah midabada iyo naqshadaha loo adeegsaday waqtiyo kala duwan iyo meelo kala duwan oo dunida ka mid ah.

Naqshadeeye Adam Nathaniel Furman wuxuu sharxayaa: "Midabadan waxay ku hareereeyaan qofka maraya, waxayna gelinayaan jawi hodan ah oo ay ka buuxaan dareen iyo waayo-aragnimo muuqaal ah. Waxay xasuusinayaan kumanaan sano oo foornooyinka buluugga iyo caddaanka ah loogu adeegsan jiray dhismayaasha waaweyn ee adduunka, laga soo bilaabo Masar hore, Portugal, Turkiga, Iran xilligii Safavid, Baabuloon iyo meelo kale oo badan."

Buugga cinwaankiisu yahay Chromatic Architecture: The Craft of Colour in Design_, oo ay qoreen Adam Nathaniel Furman iyo Kate Mazade, ayaa la filayaa in la daabaco 1-da Sebtembar 2026.