You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Markab shidaal oo marayey Marinka Hormuz, meel u dhow xeebaha Cumaan oo la duqeyn lala beegsaday

Taliska Hawlgallada Badaha ee Ingiriiska ayaa sheegay in markab shidaal oo marayay marinka Hormuz “la beegsaday”, iyada wax yar ka hor ilo wareedyo aan rasmi ahayn oo ku sugan Iraan ay sheegayn in saddex gantaal laga soo riday xeebaha koonfureed ee dalkaasi.

Tebin toos ah

  1. Maxaan ka naqaannaa Cabdullaahi Ikhlaas, madaxiii sirdoonka al-Shabaab ee dowladda Soomaaliya ay sheegta in la dilay?

    Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in ciidamada dowladda iyo saaxiibbada caalamiga ah ay dileen dhowr sarkaal oo sare oo ka tirsan al-Shabaab, kuwaas oo qaabilsanaa sirdoonka, walxaha qarxa iyo hawlgallada maleeshiyada, intii lagu guda jiray hawlgallo milateri oo wadajir ah oo dhawaan la sameeyay.

    Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo ka dhacay magaalada Muqdisho, Wasiirka Warfaafinta Cabdifitaax Qaasim ayaa sheegay in mid ka mid ah hawlgalladii ugu dambeeyay lagu dilay Cabdullaahi Xaashi Xirsi (oo loo yaqaannay Ikhlas), kaas oo ay dowladdu ku tilmaamtay madaxa qaybta sirdoonka ee al-Shabaab.

    "Ikhlaas waxaa lagu dilay 23-kii Agoosto hawlgal qorsheysan oo laga fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo ay si wadajir ah u fuliyeen Hay'adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah," ayuu yiri wasiir Cabdifitaax Qaasim.

    Kumuu ahaa Ikhlaas?

    "Ikhlaas ayaa xilkan hayay tan iyo sannadkii 2013-kii, wuxuuna ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu muhiimsan hoggaanka sare ee Khawaarijta" ayaa lagu yiri war kasoo baxay dwoladda.

    Sida uu sheegay wasiir Qaasim, Ikhlaas wuxuu ahaa 46 jir ku dhashay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ku biiray kooxda al-Shabaab sanadkii 2006-dii.

    Ninkan ayaa muddo ka badan dhowr iyo toban sano ka mid ahaa tiirarka muhiimka u ah al-Shabaab isagoo xilka madaxa sirdoonka ee kooxda hayey sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

    Cabdisalaan Guuleed Yuusuf oo ah falanqeeye arrimaha ammaanka ah horreyna us oo noqday taliye xigeenka hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa xusay in Ikhlaas uu ka mid ahaa asaasayaashii kooxda uuna ka mid yahay ragga fara ku tiriska ah ee ka nool raggaas.

    Dilkiisa ayuu Guuleed sheegay inay ka dhigtay "Guul weyn oo u soo hoyatey Soomaaliya. Waxay ka dhigan tahay dhibaato weyn oo miisaan culus ah oo al-Shabaab soo gaartay," ayuu yiri.

  2. Axios: Trump waxa uu ka fiirsanaya weerarro ka dhan ah Iraan, si looga hortago khatarta maraakiibta

    Warbaahinta Axios, oo soo xiganaysa saraakiil Mareykan ah, ayaa warbixin ay baahisay ku sheegtay in Donald Trump uu ka fiirsanayo weerarro xaddidan oo lagu qaado goobaha gantaallada iyo raadaarrada Iraan, si looga hortago weerarro lagu qaado maraakiibta maraya marinka Hormuz.

    Sida ay sheegeen saddex sarkaal oo Mareykan ah, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo la-taliyayaashiisa sare ayaa ka fiirsanaya si ay uga wada hadlaan in weerarro lagu qaado gudaha ama agagaarka marinka Hormuz.

    Waxaa la sheegay in ujeeddadu tahay in laga hortago “dib u dhiska awoodaha raadaarka iyo gantaallada Iraan”.

    Xalay, weerar ay ciidamada Mareykanku ku qaadeen Iraan ayaa waxaa ku dhintay saddex qof, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen. Iraan ayaa weerarka kadib si degdeg ah u beegsatay saldhigyo Mareykan ah oo ku yaalla Urdun.

  3. War deg deg ah, Markab Shidaal oo lagu duqeeyey Marinka Hormuz

    Taliska Hawlgallada Badaha ee Ingiriiska ayaa sheegay in markab shidaal oo marayay marinka Hormuz “la beegsaday”, iyada wax yar ka hor ilo wareedyo aan rasmi ahayn oo ku sugan Iraan ay sheegayn in saddex gantaal laga soo riday xeebaha koonfureed ee dalkaasi.

    Sida lagu sheegay warbixinta, markabka shidaalka ayaa la beegsaday “xilli uu marayay dhammaadka marinka Hormuz”.

    Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Ingiriiska ayaa sheegtay in duqeyntu ay ka dhacday meel 31 kiiloomitir dhanka bari ka xigta gobolka Khasab ee Cumaan, iyadoo markabka lagu beegsaday “saddex gantaal oo aan la aqoonsan”.

    Ilaa hadda ma jiraan wax war ah oo sheegaya in weerarka uu sababay dhimasho ama dhaawac.

    Waxa ay isla hay’addu shaacisay sniintii shil kale oo badeed, kaas oo ka dhacay Badweynta Hindiya Axaddii, 30-ka Agoosto.