Shan caqabadood oo adduunku wajahayo sanadkan 2026 iyo sida ay u saamayn doonaan Afrika

Hubanti la'aan ayaa kusii kordheysa udub-dhexaadka dhaqaalaha adduunka, sida laga soo xigtay Warbixinta Khataraha Caalamiga ah ee shirkii Dhaqaalaha Adduunka ee 2026, oo la daabacay Janaayo 14, 2026.

Xigashada Sawirka, (Photo: BOUREIMA HAMA/AFP via Getty Images)

Qoraalka sawirka, (Photo: BOUREIMA HAMA/AFP via Getty Images)
Published
Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo

Hubanti la'aan ayaa kusii kordheysa udub-dhexaadka dhaqaalaha adduunka, sida laga soo xigtay Warbixinta Khataraha Caalamiga ah ee shirkii Dhaqaalaha Adduunka ee 2026, oo la daabacay Janaayo 14, 2026.

Daabacaaddan 21-aad, shir-madaxeedku wuxuu ka digay in adduunku uu si isasoo taraysa u galayo xilli khilaaf, kala qaybsanaan, iyo hoos u dhac ku yimaada iskaashiga caalamiga ah.

Iyada oo lagu saleynayo jawaabaha ka soo baxay in ka badan 1,300 oo xirfadlayaal ah oo lagusoo ururiyay sahanka 2026, warbixintu waxay qeexaysaa khataraha la filayo inay saameynta ugu weyn ku yeeshaan shirkadaha sanadaha soo socda.

Labada sano ee soo socota, 50 boqolkiiba dadkii la wareystay waxay saadaaliyeen in cimilada adduunku ay noqon doonto "mid xun" ama "duufaan," marka la barbar dhigo 42 boqolkiiba sannadkii hore.

Xilligan cusub ee "tartanka", waa maxay shanta caqabadood ee ugu waaweyn ee la filayo inay noqdaan kuwa ugu daran sanadka 2028? Iyo tan ugu muhiimsan, saameyn intee le'eg ayayse ku leeyihiin Afrika.

1 - Dhibaato dhaqaale oo ka dhex jirta dalalka

Tani waa khatarta ugu horreysa liiska, ee sanadkan 2026 iyo labada sano ee soo socota, taas oo ah ilaa 2028.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tani waa khatarta ugu horreysa liiska, ee sanadkan 2026 iyo labada sano ee soo socota, taas oo ah ilaa 2028.

Khatartani way is beddeshay iyadoo ka gashay kaalinta siddeedaad marka loo eego sannadkii hore.

Warbixintu waxay sheegaysaa in ay sii kordheyso isticmaalka tallaabooyinka ilaalinta dhaqaalaha sida soo saarista canshuuraha alaabta la soo dejiyo, soo saarista xayiraadaha maalgashiga, soo saarista cunaqabataynta waddamada ama shirkadaha, iyo wiiqidda nidaamka xallinta khilaafaadka ganacsiga ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Warbixintu waxay sidoo kale muujinaysaa in tirada kiisaska laga diiwaan geliyay nidaamkan ay hoos u dhacday ku dhawaad laba meelood saddex meelood tan iyo markii la hakiyay howsha Guddiga Rafcaanka WTO sanadkii 2019.

Afrika, warbixintu waxay iftiiminaysaa laba meelood oo muhiim ah oo ay qaaraddu si toos ah ugu nugushahay :

  • Tartanka loogu jiro macdanta muhiimka ah: Golaha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) wuxuu saadaalinayaa in dowladuhu ay si isa soo taraysa u kaydin doonaan biraha iyo macdanta loo baahan yahay si loogu gudbo tamarta nadiifka ah. Tani waxay horseedi kartaa cadaadis ganacsi, diblomaasiyadeed iyo xitaa milatari oo saaran waddamada haysta kheyraadkan. Hadalkani wuxuu si toos ah u saameeyaa waddamada Afrika, gaar ahaan kuwa hodanka ku ah macdanta kobalt, lithium, copper iyo macdanaha kale.
  • Madaxbannaanida Lacagta: Warbixintu waxay muujinaysaa in dalalka soo koraya ee leh lacagaha qaranka ee daciifka ah ay yihiin kuwa ugu nugul faafitaanka lacagaha dijitaalka ah ee lagu qoondeeyay lacagaha qalaad. Tirada lacagaha dijitaalka ah ee noocaas ah ayaa la filayaa inay gaarto $1.22 tiriliyan dhammaadka 2028, marka la barbar dhigo $173 bilyan dhammaadka sanadkii 2025. Tani waxay sii wiiqi kartaa awoodda bangiyada dhexe ee Afrika ay ku maamulaan siyaasaddooda lacageed, maadaama dadku ay u wareegi karaan isticmaalka lacagahan dijitaalka ah halkii ay ka isticmaali lahaayeen lacagahooda.

2 - Faafinta macluumaad been abuur ah iyo marin habaabinta dadweynaha

Tani waa khatarta labaad ee ugu daran ee adduunku wajihi doono labada sano ee soo socota. Intaa waxaa dheer, waxay horey ugu jirtay kaalinta afraad ee ka mid ah khataraha ugu badan ee sababi kara xaalad degdeg ah marka la gaaro 2026.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tani waa khatarta labaad ee ugu daran ee adduunku wajihi doono labada sano ee soo socota. Intaa waxaa dheer, waxay horey ugu jirtay kaalinta afraad ee ka mid ah khataraha ugu badan ee sababi kara xaalad degdeg ah marka la gaaro 2026.

Warbixintu waxay muujinaysaa inay sii adkaanayso in la kala saaro macluumaadka dhabta ah iyo macluumaadka ay abuurtay tiknoolajiyadda AI, gaar ahaan been abuurka qoto dheer - fiidiyowyada been abuurka ah, sawirrada ama maqalka u eg kuwa dhabta ah. Tani waxay kusoo beegmaysaa xilli kalsoonida dadweynaha ee warbaahinta soo jireenka ah ay hoos u dhacayso.

Saamaynta arrintani ku leedahay Afrika

Afrika, tani waa mid ka mid ah caqabadaha ay warbixintu ku siinayso tiro muhiim ah oo qaaradda ah:

  • 73 boqolkiiba dadkii laga wareystay Afrika ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin awooddooda ay ku kala saari karaan runta iyo beenta internetka.
  • Tani waxay ka sarreysaa celceliska adduunka ee 58 boqolkiiba.
  • Tirakoobku wuxuu la mid yahay kan Mareykanka, halkaas oo 73 boqolkiiba ay sidoo kale muujiyeen walaac la mid ah.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Afrika ay ka mid tahay gobollada adduunka ee isticmaalka baraha bulshada iyadoo isha wararka ay si xawli ah u korayso. Tani ma yaraynayso khatarta faafinta macluumaadka khaldan, laakiin waxay sii kordhinaysaa tirada dadka ay saameynta ku yeelan kara.

Marka lasoo koobo, kororka baraha bulshada iyo horumarinta tignoolajiyada AI waxay ka dhigi kartaa dadka inay ku adkaato inay aqoonsadaan macluumaadka dhabta ah. Tanina waxay saameyn kartaa doorashooyinka, amniga, badbaadada dadweynaha, iyo kalsoonida dadweynaha ee mas'uuliyiinta iyo warbaahinta dalalka Afrika.

3 - Kala qaybsanaanta bulshada

Khatartani waxay usii korortay kaalinta koobaad ilaa saddexaad liiska khataraha waaweyn ee la filayo inay sii bataan marka la gaaro 2028.

Warbixintu waxay sheegaysaa in khatartani ay si dhow ula xiriirto khatartii hore ee faafinta macluumaadka beenta ah iyo macluumaadka marin habaabinta ah. Macluumaadka aan saxda ahayn waxa uu bulshada u kala qaybiyaa kooxo kala duwan, halka qaybtani ay sii wiiqayso kalsoonida dadweynaha ee maamulka iyo hay'adaha, waxayna yareysaa awoodda bulshadu u leedahay inay midowdo si wax looga qabto dhibaatooyinka iyo khilaafaadka.

Afrika, warbixintu ma bixinayso tirooyin gaar ah oo ku saabsan khatartan. Si kastaba ha ahaatee, qaabka ay sharraxayso waxay si toos ah ula xiriirtaa waxa laga helay faafinta macluumaadka khaldan, kaas oo ah khatarta labaad ee liiska ku jirta.

Warbixintu waxay muujinaysaa in:

  • Algorithms-ka baraha bulshada ayaa u janjeera inay dadka isticmaala siiyaan macluumaadka ugu habboon ra'yigooda, taasoo horseedda "macluumaad xad dhaaf ah "
  • Tani waxay keentaa in dadku ay la falgalaan oo keliya macluumaadka la jaanqaadaya aragtidooda, taas oo yareynaysa fahamkooda aragtida dadka kale.
  • Isla mar ahaantaana, kalsoonida lagu qabo hay'adaha dowladda, warbaahinta, iyo hay'adaha kale ayaa laga yaabaa inay sii socoto inay hoos u dhacaan.

Qaaradda Afrika, halkaas oo tirada dadka isticmaala internetka iyo baraha bulshada ay si xawli ah u sii kordhayso, iyadoo dad badan ay walaac ka muujinayaan amniga macluumaadka ay ku arkaan internetka, waxaa jira duruufo sii xumeyn kara kala qaybsanaantan.

Tani waxay si gaar ah run u noqon kartaa xilliga:

  • Ololaha iyo doorashooyinka ikhtiyaareed.
  • Doodda ku saabsan siyaasadaha waaweyn ee dowladda
  • Isku dhacyada qowmiyadaha, diinta ama gobollada
  • Waqtiyada ay jiraan dhibaatooyinka amni ama dhaqaalle.

Marka lasoo koobo, kala qaybsanaanta bulshada oo sii kordheysa ayaa ka dhigi karta mid sii adkaanaysa in dalalka Afrika ay gaaraan heshiis ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee qaranka, iyadoo taasi ay wiiqqeyso nabadda, midnimada, iyo awoodda bulshooyinka ay wax uga qaban karaan caqabadaha waaweyn.

4 - Xaaladaha cimilada ee aadka u daran

Tani waa khatarta afraad ee ugu weyn ee la filayo in adduunku wajaho marka la gaaro 2028. Laakiin marka la eego tobanka sano ee soo socda, ilaa 2036, waa khatarta koowaad, taasoo muujinaysa in shir-madaxeedka dhaqaalaha uu isbeddelka cimilada u arko khatarta ugu weyn ee muddada dheer ee adduunka.

Xigashada Sawirka, Photo by HARUNA YAHAYA/AFP via Getty Images)

Tani waa khatarta afraad ee ugu weyn ee la filayo in adduunku wajaho marka la gaaro 2028. Laakiin marka la eego tobanka sano ee soo socda, ilaa 2036, waa khatarta koowaad, taasoo muujinaysa in shir-madaxeedka dhaqaalaha uu isbeddelka cimilada u arko khatarta ugu weyn ee muddada dheer ee adduunka.

Warbixintu waxay muujinaysaa in dhacdooyinka cimilada ee ba'an ay sii wadaan inay waxyeeleeyaan kaabayaasha muhiimka ah, gaar ahaan meelaha:

  • Biyo bixinta
  • Tamarta
  • Wadooyinka gaadiidka iyo taraafikada

Warbixintu waxay Morocco ku sheegtay mid ka mid ah waddamada ay qaar ka mid ah warshadaha korontada dhaliya ay halis ugu jiraan inay noqdaan hanti ama mashaariic aan shaqaynayn sababo la xiriira abaarta daba dheeraatay. Waxay sidoo kale xustay:

  • Shiinaha
  • Jordan
  • Ciraaq
  • Suuriya

5 - Khilaaf hubaysan oo u dhexeeya dalalka

Khatartani waxay ka mid tahay khataraha ugu waaweyn ee la filayo inay saameyn weyn  yeeshaan labada sano ee soo socota, kuwaas oo ah ilaa  2028. Tani waxay ka dhigan tahay hoos u dhac hal meel ah marka loo eego sannadkii hore, markii ay kaalinta koowaad ka gashay khataraha ugu badan ee sababi kara xaalad degdeg ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Khatartani waxay ka mid tahay khataraha ugu waaweyn ee la filayo inay saameyn weyn yeeshaan labada sano ee soo socota, kuwaas oo ah ilaa 2028. Tani waxay ka dhigan tahay hoos u dhac hal meel ah marka loo eego sannadkii hore, markii ay kaalinta koowaad ka gashay khataraha ugu badan ee sababi kara xaalad degdeg ah.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay ku nuuxnuuxsanaysaa in hoos u dhacan uusan macnaheedu ahayn in khatartu ay yaraatay.

Maxay tani uga dhigan tahay Afrika:

Warbixintu waxay si toos ah khatartan ugu xiraysaa tartanka caalamiga ah ee lahaanshaha ama helitaanka kheyraadka dabiiciga ah ee qiimaha leh.

Waxay tilmaamaysaa in:

  • Dalalka waaweyn ay si isa soo taraysa ugu lug leeyihiin, si toos ah ama si dadban, meelaha leh kheyraadka dabiiciga ah ee muhiimka ah.
  • Tartanka u dhexeeya waddamadan ayaa sii xoogaysanaya meelaha leh macdanta iyo kheyraadka loo baahan yahay istaraatiijiyadaha dhaqaalaha iyo tamarta.
  • Xaaladdan si toos ah ayay u saamaysaa qaar ka mid ah gobollada ay colaaduhu ka jiraan ee Afrika, gaar ahaan meelaha ay ku badan yihiin macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee qiimaha leh.

Afrika diyaar ma u tahay?

Su'aashu waxay tahay: Afrika diyaar mu noqon doontaa inay wajahdo dunidan halkaas oo:

  • Dalalka waaweyn ay yareynayaan iskaashiga dhexdooda ah,
  • Kheyraadka dabiiciga ah uu noqonaya hub dagaal iyo saameyn,
  • Masiibooyinka isbeddelka cimiladuna ay sii kordhayaan

Warbixinta WEF waxay muujineysaa in inkastoo khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa caalamiga ah ay ku badan yihiin saadaasha saandka 2028, haddana marka la gaaro 2036, khilaafaadka deegaanka ayaa dib ugu soo laaban kara safka hore.

Waqtigaas, khataraha ugu waaweyn waxaa ka mid noqon doona:

  • Xaaladaha cimilada ee aadka u daran,
  • Isbdelka kala duwanaanshaha nolosha
  • Isbeddello waaweyn oo ku yimaada qaab-dhismeedka Dhulka.