You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Cayilka ma soo dedejin karaa cimrigaaga? Khubarada ayaa soo bandhigay qaabka ugu sahlan ee miisaanka lagu dhimo.
Sida lagu sheegay warbixintii Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ee 2025-kii, tirada dadka waaweyn ee la nool cayilka ee caalamka ayaa labanlaabantay marka loo eego sanadkii1990-kii.
Warbixinta WHO ayaa lagu sheegay in sanadkii 2022-kii, hal qof 8-dii qof ee adduunka ku noolba uu la tacaalayayay cayilka.
Cayilku wuxuu caalamka oo dhan ka noqday dhibaato sabab u ah cudurro halis ah oo aad u saameeyay nolosha dadka.
Xaaladdan oo kale, maxaa la sameyn karaa si gebi ahaanba looga takhaluso cayilka iyo isbeddello noocee ah ayaad noloshaada ku sameyn kartaa si aad uga hortagto dhibaatada cayilka inta aysan bilaaban?
Si aan jawaab ugu helno su'aalaha muhiimka ah ee la xiriira dhibaatada halista ah ee cayilka, waxaan wareysanay Dr. Mugdha oo ah madaxa waaxda cayilka ee Cisbitaalka Fortis ee Delhi.
Muxuu cayilka ugu soo badanayaa carruurta?
Maanta sababta ugu weyn ee keenta cayilka carruurta waa daawashada shaashadda oo badan. Marka carruurtu saacado badan ku qaataan daawashada moobilka, TV-ga iyo laptop-ka, dhaqdhaqaaqa jirkoodu aad ayuu u yaraadaa.
Marka carruurtu ay shaashadda daawadaan iyagoo si joogto ah wax u cunaya, jirkoodu wuxuu qaataa kaloori ka badan inta uu u baahan yahay, taasina waa sababta ugu weyn ee keenta cayilka.
Carruurta waxaa ku soo badanaya dhaqanka ah inay saaxiibadood kula xiriiraan khadka internet-ka halkii ay si toos ah ula kulmi lahaayeen, taasina waa mid ka mid ah sababaha keena dhibaatada cayilka. Xaqiiqo kale ayaa jirta oo ah in haddii ilmuhu uu cayilo shanta sano ee ugu horreeya noloshiisa, ay jirto 70 ilaa 80% suurtagalnimada in cayilku ku sii raaco ilaa uu ka weynaado.
Sidee waalidiintu u wanaajin karaan caadooyinka carruurtooda, maxayse isbeddel ah ku sameyn karaan cuntada iyo cabitaanka?
Waxaa aad muhiim u ah in marka hore waalidiintu iyagu ay cunaan cunto caafimaad leh. Haddii ay cunto caafimaad leh cunaan, carruurtu way ku dayan doonaan. Carruurta ka fogeeya cuntada dibedda intii suurtagal ah. Toddobaadkii hal mar wax ka badan ha siinina cunto aan guriga lagu sameyn. Dugsiyadana waxaa waajib ku ah in macallimiintu ay carruurta ku wacyigeliyaan muhiimadda caafimaadka. Maqaayadaha dugsiyada waa in lagu ibiyaa cunto caafimaad leh halkii laga siin lahaa cuntooyin la shiilay, iyo liin macaan oo dabiici ah. Isbeddelladan oo dhan, carruurta waxaa looga badbaadin karaa dhibaatada sida cayilka.
Cayilku ma wuxuu saameeyaa da'daada?
Cayilka xad-dhaafka ah waxaa uu cimrigaaga soo dedejin karaa10 ilaa 20 sano. Haddii qofku xitaa 5% miisaankiisa dhimo, dhibaatooyin badan ayaa laga hortagi karaa.
Tusaale ahaan, haddii miisaanka qofku yahay 100 kiiloogaraam oo uu ka dhigo 95 kiiloogaraam, xitaa markaas cadaadiska dhiiggiisa iyo sonkortiisu way isku dheeli tirmeysaa. Haddii 10% miisaanka la dhimo, tusaale ahaan laga dhigo 100 kiilo ilaa 90 kiilo, dhibaatada neefsashada ee xilliga hurdada ayaa yaraanaysa.
Haddii miisaankaagu hoos u dhaco 15 ilaa 20 boqolkiiba, cudurro badan ayaad ka badbaadi kartaa. Halista cudurka wadnaha ayaa yaraan karta, beerka dufanka leh ayaa bogsan kara, waxaadna ka badbaadi kartaa cudurro kale sida wadne xanuunka.
Waa maxay khuraafaadka ku saabsan cayilka?
Fikradda ugu badan n ee dadka dhexdoodu aaminsan yihiin ee ku saabsan cayilka waa in cayilku uu ku xiran yahay oo keliya cuntada iyo isku dheellitirka kalooriga la qaato iyo kan la saaro. Tani xoogaa waa run, laakiin gebi ahaan sax ma aha. Hidde-sidaha ayaa door aad muhiim u ah ka qaata. Hormoonnada ayaa sidoo kale xiriir weyn la leh.
Maxay tahay in la sameeyo si looga hortago cayilka?
Dr. Mugdha waxay shegtay in si looga hortago cayilka, ay tahay in laga hor tago dhibaatada ka hor inta aysan bilaaban.
Marka ugu horreysa waa in la hubiyo heerka hoormoonka. Haddii uu jiro taariikh qoys, baaritaan joogto ah waa in la sameeyaa wixii ka dambeeya da'da 30 sano. Waa in noloshaada isbeddello badan lagu sameeyaa.
Cunto wanaagsan, ugu yaraan saacad jimicsi ah iyo 7 ilaa 8 saacadood oo hurdo ah ayaa kaa badbaadin kara cayilka iyo cudurrada la socota.
*Waa maxay calaamadaha cayilka, sideese qofku ku ogaan karaa inuu la tacaalayo cayil?
Calaamadaha waxaa kamid ah:
Markaad jaranjarada koreyso neefta ayaa kugu yaraaneysa, jilbaha ayaa ku xanuunaya, lugaha ayaa ku xanuunaya, si dhakhso ah ayaad u daalaysaa. Waa inaad ka taxaddartaa miisaankaaga oo aad ka digtoonaataa in miisaankaagu uusan kordhin. Kuwani waa dhammaan calaamadaha hore. Haddii aadan is xakameyn xilliga aad cayilan tahay, ma ogaan doontid sida iyo goorta aad cayishay.