Aargoosiga Iiraan ma u qalmaa dadkii ku dhintay duqeymaha Maraykanka uu ka geystay Koofurta Iiraan?

Doomo biyaha dhex taagan

Xigashada Sawirka, Reuters

    • Author, Joe Coughlan
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Ciidamada Mareykanka ayaa Talaadadii dib u bilaabay duqeymaha ka dhanka ah Iraan, sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM).

CENTCOM ayaa sheegay in duqeymaha ay daba socdeen "isku dayo dhowaan" oo Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan (IRGC) ay ku weerareen maraakiibta ganacsiga ee maraya Gacanka Hormuz.

Bisha Cas ee Iraan ayaa sheegtay in afar qof, oo uu ku jiro ilmo yar, ay ku dhinteyn duqeymaha Mareykanka, halka in ka badan 50 qof ay ku dhaawacmeen. Gantaal Mareykan ah ayaa firirkiisu ku dhacay guri ay xaflad aroos ka socotay oo ku yaalla Sirik, koonfurta Iran.

Iyadoo ka jawaabaysa duqeymaha, Iraan ayaa weerarro ku qaaday saldhigyo militari oo Mareykanka ku leeyahay Ciraaq iyo Urdun, sida ay sheegeen warbaahinta dowladda Iraan iyo ciidamada qalabka sida ee Urdun. Weerarro ayaa sidoo kale laga soo sheegay Kuwait iyo Baxrayn.

IRGC ayaa sheegtay in Mareykanku uu "ka shallayn doono" duqeymaha. Warbaahinta Tasnim ayaa sheegtay in Iraan ay aroornimadii Arbacada gantaallo ballistic ah ku weerartay saldhig ay ciidamada badda ee Mareykanku ku leeyihiin Aqaba, Urdun, taasoo ay ku tilmaantay aargudasho ka dhan ah weerarkii Sirik.

Ciidamada Urdun ayaa sheegay inay qabteen 13 gantaal oo ballistic ah, 10 ka mid ahna la burburiyay, halka saddex kale ay ku dhaceen goobo aysan dad deggenayn. Lama soo sheegin dhimasho ama dhaawac ka dhashay weerarkaas.

Ciidanka Kuwait ayaa sidoo kale sheegay in difaaca cirka uu ka hortagayay gantaallo laga soo riday Iran. Dhanka kale, warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in dhowr qarax laga maqlay Baxrayn.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in haddii Iraan ay aargoosato, Mareykanku mar kale duqeyn doono Iraan, balse markaas ay noqon doonto mid "ka ballaran tan hadda".

Khariiradda Hormuz
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Duqeymahan ayaa yimid maalmo kadib markii Mareykanku markii ugu horreysay tan iyo dabayaaqadii July weerar ku qaaday Iraan, isagoo bartilmaameedsaday qalabka laga gano gantaallada oo ku yaallay Jasiiradda Larak ee Gacanka Hormuz. Iraan ayaa markaas jawaab uga bixisay iyadoo gantaallo ku weerartay saldhigyo cirka oo ku yaalla Urdun iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka iyo xulafadiisa.

CENTCOM ayaa sheegay in duqeymaha cusub ay bilaabeen 12:00 duhurnimo waqtiga bariga Mareykanka, ayna soo gabagaboobeen aroornimadii Arbacada.

Warbaahinta Iraan ayaa sheegtay in ilmo afar jir ah uu ka mid ahaa afarta qof ee ku dhintay weerarka Sirik. Warar kale ayaa sheegay in weerarro ama qaraxyo laga soo sheegay Chabahar, Konarak, garoon diyaaradeed oo ku yaalla Jiroft, Jasiiradda Qeshm iyo Bandar Abbas.

Kabtan Tim Hawkins oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka, kuna hadlayay magaca CENTCOM, ayaa BBC u sheegay in talisku uu ka warqabo wararka ka soo baxay warbaahinta Iraan ee ku saabsan weerarka Sirik. Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Mareykanku aysan bartilmaameedsan dadka rayidka ah.

Mareykanka iyo Israa'iil ayaa 28-kii Febraayo qaaday duqeymo ballaaran oo ka dhan ah Iraan, iyadoo Tehran ay kaga jawaabtay weerarro ay ku qaaday Israa'iil, saldhigyada Mareykanka iyo dalalka xulafada la ah Washington ee Khaliijka, taasoo keentay in si weyn loo carqaladeeyo isu-socodka maraakiibta ee Gacanka Hormuz.

Bishii June, Mareykanka iyo Iraan waxay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah oo lagu kordhinayay xabbad-joojinta labada dal. Hase yeeshee, heshiiska ayaa dhacay, taasoo keentay in dagaalladu dib u qarxaan.

Labada dhinac ayaa sidoo kale weerarro ku qaaday maraakiib kala duwan, Iran waxay bartilmaameedsatay maraakiib ay sheegtay inay isku dayeen inay Gacanka Hormuz ka gudbaan iyaga oo aan fasax ka haysan Tehran, halka Mareykankuna uu dhaqan geliyay xannibaad badeed oo ka dhan ah dekedaha Iraan.

Washington ayaa 24-kii Agoosto ku dhawaaqday cunaqabateyn cusub oo lagu doonayo in Iran lagu sii go'doomiyo, laguna ballaariyo cunaqabateynta saaran xulafadeeda.

Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa sheegay kulan ay yeesheen wasiirrada maaliyadda dalalka G20 in qaar badan oo ka mid ah xulafada Mareykanka ay sheegeen inay "sameyn doonaan wax kasta oo lagama maarmaan ah" oo ku saabsan cunaqabateynta Iran.

Mas'uuliyiinta Iraan iyo warbaahinta dowladda ayaa inta badan iska diiday cunaqabateynta cusub, iyagoo ku tilmaamay inay tahay sii wadidda tallaabooyinkii dhaqaale ee hore ee Mareykanka.

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa Talaadadii, sida ay soo xigatay warbaahinta dowladda, sheegay in haddii Mareykanku dib ugu soo laabto u hoggaansanaanta heshiiska, Iran ay iyaduna u hoggaansami doonto.