Taliyaha ciidanka Itoobiya oo sheegay in la qabtay hub ay lahayd TPLF oo ka yimid Massawa

Xigashada Sawirka, ebc/youtube
Dagaalkii socday tan iyo bartamihii bishii Febraayo ayaa keenay in la qabto "hub laga yaabo in loo gudbin lahaa ciidamada Tigrayga," kaas oo la soo marsiinayay dhanka dekedda Massawa, sida uu sheegay Field Marshal Birhanu Jula oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Itoobiya.
Field Marshal Birhanu ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF) ay "galeen magaalada Mendefera" oo ku taal koonfurta Eritrea.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay sannad-guurada 119-aad ee aasaaska Ciidamada Difaaca Itoobiya, taas oo ka dhacday magaalada Addis Ababa maalintii Sabtida.
Khudbadda Field Marshal Birhanu Jula ayaa inta badan diiradda lagu saaray dagaallada billowday 13-kii Febraayo, iyo in ciidamada federaalka iyo xulafadooda ay la wareegeen magaalooyin ka tirsan gobolka Tigrayga.
Dagaalladan ayaa yimid maalmo uun ka dib markii toddobo urur oo siyaasadeed iyo kuwa hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda Itoobiya, oo ay ku jiraan TPLF, dhaqdhaqaaqa Amhara, iyo Jabhadda Xoreynta Oromada (OLF), ay ku dhawaaqeen inay sameysteen isbahaysi.
Isbahaysigaas oo lagu magacaabo 'Ethiopian Izbawi Hayiloch Tibibbir Le Hilliwunna' ayaa sidoo kale shaaciyay qorshe ay ku doonayaan inay ku dhisaan "dowlad ku-meel-gaar ah."
Khudbaddiisii ayuu Field Marshal Birhanu wuxuu ku yiri: "Waxaa soo kordhay kooxo isku sheegaya inay 'burburinayaan ciidanka, isla markaana soo dhisayaan dowlad ku-meel-gaar ah'."
"Kooxahan hubeysan waa kuwo doonaya inay dalka burburiyaan iyagoo beegsanaya tiirarka uu dalku ku taagan yahay," ayuu yiri. "Waxaa hagaya oo cadaadis ku haya cadawga taariikhiga ah ee Itoobiya, gooni-goosad-doonayaal iyo argagixiso, iyagoo fulinaya ajandayaal shisheeye."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu ku celiyay eedeymaha dowladda federaalka ee ah in Masar, Suudaan iyo Eritrea ay ku lug lahaayeen dagaalka billowday bil ka hor. Wuxuu isbahaysigan ku tilmaamay mid "laga soo agaasimay Masar ilaa Khartoum, illaa Asmara," isagoo xusay inay TPLF u soo direen inay weerar ka soo qaadaan dhanka Waqooyiga Wallo, Wagi iyo Canfar.
Hase yeeshee, wuxuu sheegay in "dagaalkan ay iyagu isku horseedeen uu sababay burburkooda." Wuxuu intaas ku daray in dagaalka lagu qabtay hub aad u badan.
"Ciidamadeennu waxay qabteen hub awood u leh inay gaaraan dalal fog, kaas oo loo soo mariyay dhanka badda ee Massawa," ayuu yiri. Wuxuu sii raaciyay, "Ciidankeenna oo ay hagaysay caddaaladda rabbaaniga ah, ayaa ka adkaaday toddobo kooxood oo is bahaysanaya, ciidamo is kaashanaya, iyo saddex ciidan oo shisheeye ah oo gadaal ka taagnaa."
"Waxay dhadhamiyeen burburka ciidanka, waxayna galeen Mendefer iyagoo wata sahaydii laga soo qaaday Tigray," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in hoggaamiyeyaasha TPLF ay u gudbeen dhanka Eritrea.

Xigashada Sawirka, EBC
Dhinaca kale, ciidamada Tigrayga ayaa sheegay inay "dib u gurteen iyagoo adeegsanaya xeelad militari," waxayna ku adkeysteen in "dib u gurashada dhanka xeeladaha militari aysan ka dhignayn inay gebi ahaanba ka tageen ciidamadooda, ama ay ka baxeen Waqooyiga Wallo iyo dhulka Canfarta iyagoo gaaray Mendefer muddo toban maalmood gudahood ah."
"[TPLF] waxay hadda u tagtay xulafadeeda Shaabiya. Waa inaan loo oggolaan TPLF inay ka mashquusho isku dayga ay ku burburinayso caqabadda shanaad, haddii ay awooddo. Hase yeeshee, fursad shanaad siin mayno" ayey raaciyeen.
TPLF iyo dowladda Eritrea ayaa dhawaan beeniyay eedeymo sheegayay in mas'uuliyiin ka tirsan TPLF ay u gudbeen dalka Eritrea. Guddoomiye ku-xigeenka TPLF, Emmanuel Asaffa, ayaa u sheegay ilo wareedyo Faransiis ah in "hoggaanka [TPLF] uu ka hawlgalayo gudaha Tigray."
Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yamane Gabremasqal, ayaa eedeymahaas ku tilmaamay kuwo "been abuur ah," sida ay sheegtay ilo wareedku. Dowladda Eritrea ayaa sidoo kale beenisay eedeymaha ku saabsan inay taageerto kooxo dagaalyahanno ah oo ka hawlgala gudaha Itoobiya.
Eritrea ayaa warqad ay u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ku sheegtay in Itoobiya ay isku dayayso inay samaysato marmarsiiyo ay dagaal ugu billowdo dal madax bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay, iyadoo adeegsanaysa magaca "is-difaacid."
Masar iyo Suudaan ayaa iyaguna si la mid ah iska fogeeyay eedeymahaas.
Field Marshal Birhanu ayaa khudbaddiisii sidoo kale kaga hadlay arrimaha Webiga Niil iyo Badda Cas. Wuxuu Webiga Niil ku tilmaamay "hantida dabiiciga ah ee Itoobiya" halka Badda Cas-na uu ku sifeeyay mid "dabiici ahaan loogu talagalay inaan innaga Itoobiyaan ahaan u isticmaalno".
"Labada biyo-mareenba way ku filan yihiin in laga gudbo," ayuu yiri Field Marshal Birhanu, "balse waxaan ka soo horjeednaa sheegashooyinkaas lagu dhaartay." Wuxuu intaas ku daray, "Dowladda Itoobiya iyo Ciidanka Difaaca Qaranka ma haystaan wax kale oo aan ka ahayn inay difaacaan danaha Itoobiya ee ku aaddan labadaas biyo-mareen."
Dowladda Itoobiya ayaa muddo dheer muujinaysay xiisaha ay u qabto inay marin u hesho Badda Cas. Ka dib markii arrintan ay noqotay mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ajendaha dowladda, dowladda Eritrea ayaa ku eedaysay Addis Ababa inay doonayso inay si xoog ah ku qabsato biyahaas.
Markii uu billowday dagaalka dhulka ah, ciidamada Eritrea-na ay soo galeen xuduudaha Itoobiya, waxaa jira walaac laga qabo in labada dal ay galaan dagaal buuxa.



























