Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Xagee ayey Iran ka heshaa qalabka ay diyaaradaha Drones-ka ku sameyso?

  2. Xuutiyiinta oo sheegay in Sacuudigu weeraro dhimasho sababay ka gaystay Sanca

    Shabakadda Al-Masirah, oo ay maamulaan Xuutiyiintu, ayaa warisay in diyaaradaha Sacuudigu ay duqeymo ka geysteen magaalooyinka Mukha iyo Sanca.

    Sida lagu sheegay warbixintan, weerarka ka dhacay Sanca ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad dhowr ah, waxaana sidoo kale la sheegay in ku dhawaad ​​20 weerar ay ka dhaceen Mukha, iyadoo diyaaraduhuna ay weli dul heehaabayaan magaalada.

    Weerarradan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysteen weerarrada labada dhinac ee u dhexeeya isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga iyo Xuutiyiinta, kuwaas oo dhacayay toddobaadyadii ugu dambeeyay.

    Warar kale oo dheeri ah

  3. Markii Masar ay ciidamo u dirtay Yemen si ay ula dagaalanto koox Sacuudigu taageero

  4. Dibadbaxayaal ayaa isugu soo ururay magaalada Orleans ee Faransiiska

    Kumanyaal qof oo ka tirsan kooxaha garabka bidix ee Faransiiska ayaa socod-dibadbax ka wada magaalada Orléans oo qiyaastii 120 kiiloomitir koonfurka xigta Paris, halkaas oo xisbiga National Rally ee garabka midigta fog uu shir ku qabanayo dhammaadka toddobaadkan.

    Tirobadan oo boolis ah ayaa la geeyay magaalada, waxaana la hakiyay adeegyada gaadiidka dadweynaha.

    Marine Le Pen, oo ah hoggaamiyaha xisbiga National Rally, ayaa la filayaa in ay shirka labada maalmood soconaya ka bilowdo ololaheeda ay ugu tartamayso xilka madaxweynaha Faransiiska.

    Ra'yi-ururinnadaayaa muujinaya in doorashadan ay Le Pen u tahay fursadii ugu weyneyd ee ay ku noqon laheyd madaxweyne,iyadoo markii afraad u tartamaysa xilkaas, inkastoo maxkamad ay horraantii sannadkan ku heshay dambi la xiriira lunsashada lacagaha Midowga Yurub.

    LePen ayaa beenisay in ay wax dambi ah gashay, waxayna racfaan ka qaadatay xukunkaas.

    Warar kale oo dheeri ah

  5. Faransiiska ayaa u diyaargaroobaya dibadbaxyo la xiriira qiimaha nolosha oo sare u kacay

    Faransiiska ayaa wajahaya mowjad cusub oo dibadbaxyo ah oo looga horjeedo sicir bararka iyo xaaladaha sii xumaanaya ee dugsiyada, iyadoo laga cabsi qabo in ay soo noqdaan rabshadihii iyo bililiqadii dukaamada ee dhacday toddobaadkii hore.

    Dowladda ayaa sheegtay in ay geyn doonto meelo kala duwan oo dalka ah 70,000 oo askari oo boolis ah, waxayna ballanqaadday in ay tallaabo degdeg ah qaadi doonto haddii ay soo baxaan wax calaamado ah oo muujinaya rabshado ama qalalaase.

    “Uma dulqaadan doonno fal kasta oo sharci-darro ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, Laurent Nuñez.

    Wuxuu intaas ku daray in dowladdu aysan u dabci doonin dadka waxyeelleeya hantida, kuwa wax dhaca iyo dhammaan dadka ku lugta leh falalka rabshadaha wata. Wuxuu sidoo kale sheegay in marka laga soo tago dibadbaxyada la qorsheeyay, ay baraha bulshada ku jiraan farriimo badan oo rabshado hurinaya, kuwaas oo ay faafinayaan kooxaha garabka bidix iyo kuwa bidixda fog.

    Magaalada Paris, ganacsatada ayaa xiray dukaamadooda, qaarna waxay ku dabooleen alwaax si ay uga hortagaan falal waxyeello geysan kara. Magaalada Orléans, oo ku taalla koonfurta Paris, ayaa ka mid ah meelaha sida weyn looga walaacsan yahay.

    Dibadbaxyada ayaa markii hore ku bilowday ardayda dugsiyada sare oo dalbanayay in la hagaajiyo goobaha waxbarashada, lana xalliyo macallimiinta iyo shaqaalaha kale ee yaraaday. Hase yeeshee, meelo ka mid ah dalka ayaa markii dambe rabshado ay ka dhaceen.

    Xisbiga garabka midigta fog ee National Rally ayaa shirkiisa sannadlaha ah ku qabanaya magaaladaas. Hoggaamiyaha xisbiga, Marine Le Pen, ayaa la filayaa in ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo in ay doonayso in ay u tartanto xilka madaxweynaha doorashada dhici doonta sannadka soo socda.

    Warar kale oo dheeri ah

  6. Dowladda Kenya oo sheegtay in dad ku hoos jira burburka dhismaha Islii xiriir lala sameeyay

  7. Maraykanka oo machadyo Shiineysa ah ku tilmaamay kuwa qatar ku ah amniga qaranka

    Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa u aqoonsatay "Machadyada Confucius" — kuwaas oo ah xarumo lagu barto luuqadda iyo dhaqanka Shiinaha — inay yihiin kuwa khatar ku ah amniga qaranka Mareykanka.

    Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegsett ayaa machadyadan ku tilmaamay "xarumo faafinaya dacaayad," wuxuuna sheegay in tobanaan xarumood oo noocan ah, balse wata magacyo kala duwan, laga hirgeliyay jaamacadaha Mareykanka.

    Wuxuu ku eedeeyay machadyadan inay isku dayayaan inay xadaan hantida aqooneed, isla markaana — sida uu hadalka u dhigay — ay "dhex galaan maskaxda ardayda Mareykanka."

    Mudane Hegsett ayaa sheegay in Waaxda Difaaca Mareykanka ay si nidaamsan u burburinayso xarumahan.

    Safaaradda Shiinaha ee Washington weli kama aysan hadlin arrintan.

    Warar kale oo dheeri ah

  8. Turkiga oo cadeeyay mowqifkiisa ku aadan in uu dagaal ku qaado Xuutiyiinta Yemen iyo in kale

    Wasiirka Difaaca Turkiga, Yaşar Güler, ayaa shaaciyay in dalkiisu — isagoo ku dhaqmaya heshiis difaac oo wadajir ah oo ay la leeyihiin Sacuudi Carabiya iyo Pakistan — uusan qorsheynayn inuu galo iska horimaad militari oo uu la galo kooxda Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo ay taageerto Iiraan.

    "Kama fikirinayno inaan galno nooc kasta oo iska horimaad ah oo aan la galayno Xuutiyiinta," ayuu yiri Mr. Güler oo wareysi siinayay telefishinka Turkiga ee Star.

    Wuxuu intaas ku daray in taageero militari oo kasta oo Turkigu siiyo Sacuudi Carabiya — sida joogitaanka ciidamada Turkiga ee Qatar — ay ujeeddadeedu ugu horreyn tahay xoojinta awoodda ka-hortagga qataraha.

    Wasiirka Difaaca Turkiga ayaa sheegay in Ankara ay dib u eegi doonto codsiyada suurtagalka ah ee Sacuudi Carabiya ee ku aaddan kaalmada militari. Marka uu baarlamaanku ansixiyo heshiiska difaaca, ayay go’aamin doonaan nooca iyo qaddarka kaalmadaas, iyadoo la raacayo habraacyada sharciga ah iyo oggolaanshaha lagama maarmaanka ah ee baarlamaanka.

    Warar kale oo dheeri ah

  9. Safaaradda Mareykanka ee Urdun ayaa kordhisay tallaabooyinka ammaanka

    Safaaradda Mareykanka ee caasimadda Urdun ayaa ku dhawaaqaday tallaabooyin amni oo aad loo adkeeyay in laga hirgeliyay dalkaas.

    Safaaradda Mareykanka ee Cummaan ayaa sheegtay in la adkeeyay amniga xarumaha ganacsiga, safaaradaha shisheeye iyo goobo kale oo ku yaalla Urdun kaddib markii shalay oo jimco aheyd la weeraray kinisad.

    Madaxda Urdun ayaa weerarka ku tilmaamay fal argagixiso ah oo ay geysteen xagjirayaal. Madaxa hay’adda amniga dadweynaha Urdun ayaa sheegay in toddobo qof ay ku dhinteen weerarka iyadoo tiro kale oo intaas ka badan ay ku dhaawacmeen kaddib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen dad isugu yimid kinisadda oo dug ka qeybgalayay.

    Weerarada noocaan ah ayaan ka dhicin Urdun balse mas’uuliyiintu waxay sheegeen in sannadihii u dambeeyay ay fashiliyeen weeraro ay soo qaadeen xagjiriin.

    Madaxda Urdun waxay sheegeen in ay weli raadinayan dadkii weerarka ka dambeeyay iyagoo intaas ku daray in ay weli goor hore tahay in la go’aamiyo hadii kuwa weerarka soo qaaday xiriir la leeyihiin kooxo ku sugan gudaha ama dibadda Urdun.

    Warar kale oo dheeri ah

  10. Taliyaha Ciidamada Iran: Uma oggolaan doono maraakiibta Mareykanka in ay markale soo galaan gacanka Beershiya

    Taliyaha ciidamada Iran, Cali Cabdullaahi, ayaa sheegay in aan loo oggolaaneyn Maraakiibta Iran in ay dib u soo galaan gacanka Beershiya.

    Mr. Cabdullaahi waxa uu sheegay, “Madaxweynaha Mareykanka wuxuu ku riyoonayaa in ciidamadiisu ay markale soo galaan Gacanka Beershiya. Riyadaas waa mid ay qabriga la gali doonaan”.

    Wuxuu intaas ku daray, “ Uma oggolaaneyno maraakiibta Mareykanka in ay soo galaan Gacan Beershiya wax kasta oo dhaca”.

    Taliyaha ciidamada Ilaalada Kacaanka Badda ayaa shalay sheegay warkan, “Mareykanka waxay ka fogaadeen marinka Hormuz ilaa 700 oo kiilomitir”.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa ku eedeeyay Iran in ay wax kasta u sameynayaan sidii ay sicirka shidaalka kor ugu qaadi lahaayeen ka hor doorashada Mareykanka.

    Madaweynaha Mareykanka wuxuu kaloo sheegay in shidaalka ka soo gudbo marinka Hormuz uu hadda ka badan yahay kii mari jiray dagaalka ka hor, taasina waa sababta ay Iran u qaadeyso tallaabo kasta oo sicirka shidaalka lagu kordhinayo.

    Warar kale oo dheeri ah

  11. Waa maxay faa'iidooyinka caafimaad ee caanaha aan la warshadayn, mase ammaan baa in la cabbo?

  12. Trump: Waxaa suuragal ah in aan tallaabo milatari ka qaadno Iran

    Sida laga soo xigtay qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha sirdoonka Mareykanka, Iran waxay “si weyn u kordhisay dadaallada ay ku beegsaneyso diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta kale ee Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe iyo meelo kale oo caalamka ah.

    Qorshaha Iran ayaa la sheegay in uu gaaray halkii ugu sareysay.

    Qoraalkan ka soo baxay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku soo aaday xili Mareykanka uu dhimay tirade shaqaalaha dibolmaasiyiinta ah ee ku sugan dhow dal oo ku yaal Bariga Dhexe.

    Madaxweyne Donland Trump ayaa sheegay in Iran uu ka qaadayo tallaabo cusub oo milatari.

    Warar kale oo dheeri ah

  13. Qof si dirqi ah uga badbaaday dhismihii ku dumay Islii oo BBC-da la hadlay

  14. Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi oo dabaqii dumay ee Islii war ka soo saaray

    Guddoomiyaha Ismamaulka Gobolka Nairobi, Johnson Sakaja, ayaa ku baaqay in la adkeeyo ciqaabaha lagu qaado dadka dhismayaasha dhisa ee ku xadgudba xeerarka dhismaha. Waxa uu sidoo kale dib u cusboonaysiiyay baaqiisii ahaa in dowladaha gobolladu dib u helaan awoodda dacwad-oogista, kadib markii dhisme dhowr iyo tobban dabaq ah oo aan weli dhammaan uu ku dumay xaafadda Eastleigh.

    Sakaja ayaa sheegay in ciqaabaha fudud ee lagu qaado xadgudubyada dhismaha ay wiiqayaan fulinta shuruucda, isla markaana ay dadka dhismaha dhisa u saamaxayaan inay iska indhatiraan qorshayaasha dhisme ee la ansixiyay iyo heerarka badbaadada, taas oo nafta dadka khatar gelinaysa.

    Sakaja, oohadlayey mar uu booqday goobta uu dhismuhu ku dumay ee ku taalla isgoyska 1st Avenue iyo 9th Street, ayuu guddoomiyuhu hay’adaha xirfadeed ee matala naqshadeeyayaasha dhismayaasha, injineerrada iyo khubarada qiyaasta kharashaadka dhismaha ku boorriyay inay baaraan kiisaska ay xirfadlayaal aqoon iyo shahaadooyin leh laga saaro mashaariicda dhismaha ee la ansixiyay ka hor inta aan la dhammaystirin.

    "Waxaan dareenkayga iyo garab istaaggayga u dirayaa qoysaska ay musiibadani saamaysay, gaar ahaan kuwa walaaca ku sugaya war ku saabsan xaaladda eheladooda. Waxaan u xaqiijinayaa in dowladdu garab istaagi doonto, siin doonto taageerada lagama maarmaanka ah, isla markaana ay xog la socodsiin doonto inta ay hawlgallada samatabbixintu socdaan." ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

    Wuxuu intaa ku daray in dadka dhismayaasha dhisa ay u hoggaansamaan qorshayaasha la ansixiyay, isla markaana ay helaan shahaadooyinka oggolaanshaha deggenaanshaha ee loo baahan yahay ka hor inta aan dhismayaasha la deggin.

  15. Cilmi-baaris: Bukaannada Soomaaliyeed oo malaayiin doollar ku bixiya daaweyn dibadda ah

  16. Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in weerar kale oo lagu qaado Iiraan uu sii kordhin doono xiisadaha, isla markaana uu sii hurin doono colaadda.

    Fidan ayaa hadalkan ka sheegay kulanka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 oo ka dhacaya magaalada Istanbul, isaga oo carrabka ku adkeeyay in “diblomaasiyadda iyo wada-hadalku” ay yihiin “habka keliya ee lagu soo afjari karo dagaalka Iiraan iyo Maraykanka”.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in dhammaan dalalka ka qaybgalaya kulanka aysan taageersanayn faragelin milatari ama weerar kale oo lagu qaado Iiraan.

    Daqiiqado ka hor, wasiirrada arrimaha dibadda ee Jarmalka, Faransiiska iyo Britain ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay Iiraan kala xaajoodaan barnaamijkeeda nukliyeerka.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa maanta magaalada Istanbul ku martigelinaya dhiggiisa ka socda Masar, Pakistan, Sacuudiga, Jarmalka, Faransiiska, Britain iyo Talyaaniga.

  17. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay inay bilaabi karaan qorshe aan hore loo arag tan iyo 1967-kii

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu dib u eegay qorshe hawlgal milatari oo uu ku tilmaamay mid “aan horay loo arag tan iyo 1967-kii”.

    Netanyahu ayaa qorshahan soo bandhigay wax yar kadib weerar hubaysan oo ka dhacay magaalada Hebron, kaas oo lagu dilay laba askari oo Israa’iiliyiin ah, saddex kalena lagu dhaawacay. Waxa uu sheegay inuu cayimi doono waqtiga la fulinayo hawlgalka.

    Netanyahu, oo xilligan ku jira loollan adag oo uu ugu jiro in mar kale loo doorto xilka ra’iisul wasaaraha Israa’iil, ayaa sheegay in tallaabada koowaad ee hawlgalka ay ka koobnaan doonto “barakicinta dadka deggan, baaritaanka guryaha iyo burburinta kaabayaasha argagixisada”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

  18. War deg deg ah, Toogasho ka dhacday kaniisad ku taalla Urdun oo sababtay dhimasho iyo dhaawac

    Telefishinka dowladda Urdun ayaa sheegay in ugu yaraan toddoba qof lagu dilay, 10 kalena lagu dhaawacay toogasho ka dhacday gudaha kaniisad.

    Sida ay warbaahintu sheegtay, laba nin oo hubaysan ayaa rasaas ku furay dad ku sugnaa kaniisad ku taalla tuulada Hamoud, ee gobolka Karak ee bartamaha dalka Urdun.

    Saraakiisha ammaanka ayaa baadi-goobaya tuhmanayaasha, iyadoo aan weli la shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada.

  19. War deg deg ah, Madaxa waaxda maareynta masiibooyinka ee Nairobi oo war ka sheegay dhismihii ku dumay Islii

    Madaxa Waaxda Maareynta Masiibooyinka ee Nairobi, Bramwell Simiyu, ayaa BBC-da u sheegay in mas’uuliyiintu aysan ogeyn tirada dadka ku jiri kara dhisme ka kooban 13 dabaq oo galabta ku dumay magaalada.

    “Waxaa naloo sheegay in dabaqyada hoose ee dhismaha ay si sharci-darro ah dad qaarkood u degganaayeen. Sidoo kale, in dad qaarkood ay halkaas ka wadeen hawlo ganacsi,” ayuu yiri.

    Bramwell ayaa sheegay in maamulka gobolka uu bilaabay hawlgal baadi-goob iyo samatabbixin ah, isla markaana uu “isku dayayo inuu goobta keeno qalabka loo baahan yahay”.

    Dhismaha ayaa ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.