Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Trump: Iran si rasmi ah ayaa looga adkaaday

    Iran

    Xigashada Sawirka, IRNA

    Donald Trump ayaa farriin kale oo ku saabsan Iran ku qoray bartiisa bulsho ee Social Truth.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa qoray: “Iran si rasmi ah ayaa looga adkaaday. Waa dhimatay. Ma haystaan ciidan badeed, ciidan cirka ah ama lacag qaran, ma bixiyaan mushaharka askarta iyo booliiska, sicir-bararkuna wuxuu gaaray 300 boqolkiiba. Hoggaanka dalkuna wuxuu ku jiraa jahawareer buuxa, mana awoodi karaan in ay matalaan dalka.”

    Dhanka kale, madaxweynaha Iran Masoud Pezhikian ayaa kula kulmay shirka Ururka Iskaashiga Shanghai ee ka socda Kyrgyzstan raysalwasaaraha Pakistan, Shahbaz Sharif.

    Wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA ayaa sheegtay, iyada oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah, in kulanka diiradda lagu saaray arrimaha labada dal.

    Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, Masoud Pezeshkian iyo in ka badan toban hoggaamiye oo kale ayaa isugu yimid Kyrgyzstan si ay uga qaybgalaan shir soconaya laba maalmood.

    Sidoo kale akhri:

  2. Macallin badbaadiyay 900 oo arday ah daqiiqado ka hor inta aysan dhicin daadadkii Nepal

  3. Rakaabka ka dhoofayay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ayaa ku xayiran kaddib shaqo-joojin carqaladeysa duulimaadyada

    Kenya

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Boqolaal rakaab ah ayaa ku xayirmay garoonka diyaaradaha ugu weyn Kenya ee caasimadda Nairobi sababo la xiriira shaqo-joojin ay sameeyeen shaqaalaha.

    Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) waa xarun muhiim ah oo isku xirta isu-socodka gobolka.

    Hay’adda maamusha garoomada diyaaradaha iyo shirkadda Kenya Airways ayaa Axadii ka digay in duulimaadyada ka baxaya garoonka ay dib u dhici karaan.

    Wareeg cusub oo wadahadallo ah oo u dhexeeya ururrada shaqaalaha iyo maamulka garoonka ayaa la qorsheeyay in la qabto maanta oo Isniin ah, inkastoo wada-hadalladii dhacay maalin ka hor ay soo dhammaadeen iyada oo aan heshiis laga gaarin.

    Shaqaalaha waaxda duulista hawada ayaa dalka oo dhan ka wada shaqo-joojin, iyagoo dalbanaya in la hagaajiyo xaaladaha shaqada iyo in la dhaqan-geliyo heshiis hore loo gaaray.

    Dadka doonayay in ay ka dhoofaan garoonka ayaa halkaas ku xayirmay iyadoo qaar ay habeenkii ku hoydeen gudaha iyo agagaarka goobaha laga hubiyo rakaabka.

    Kenya Airways ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ku sheegtay in “shaqo joojin ay shaqaalaha sameeyeen” ay keentay dib u dhac ku yimid duulimaadyada.

    Shirkaddu waxay raalli-gelin ka bixisay carqaladda, waxayna sheegtay in rakaabka doonaya in ay beddelaan ama dib u jadwaleeyaan duulimaadkooda ay sidaas samayn karaan iyaga oo aan wax ganaax ah laga qaadin.

    Shaqo-joojintan ayaa timid kaddib muran laba maalmood socday bishii Febraayo, kaas oo ku saabsanaa gorgortanka heshiiska shaqaalaha iyo isticmaalka shaqaale mutadawiciin ah oo garoonka ka shaqeeya.

    Sidoo kale akhri:

  4. Iran ayaa sheegtay in Marinka Hormuz ay ku soo ridday drones Mareykanku leeyahay

    Iran

    Xigashada Sawirka, gett

    Iran ayaa ku dhawaaqday in ay weerartay saldhig milatari oo Imaaraadka Carabta leeyahay, isla markaana ay laba weerar oo kala duwan ku soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykanku leeyahay taas dul maraysay marin biyoodka Hormuz maanta oo Isniin ah.

    Iran ayaa weerarro taxane ah ku qaadday saldhigyo milatari oo ku yaal gobolka, taasoo jawaab u aheyd weerarkii tooska ahaa ee ugu horreeyay ee Mareykanka ku soo qaado tan iyo bishii July.

    Bayaan ay soo saareen ciidanka ilaalada kacaanka ayey ku sheegeen in ay gantaallada difaaca hawada ku soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo nooceedu yahay MQ-9 oo laga leeyahay Mareykanka.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa bayaan ay soo saartay maanta sidoo kale ku sheegtay in saldhigyada Mareykanka ee Urdun loo adeegsaday taageerada iyo qaadista weerarkii lagu qaaday Jasiiradda Larak.

    Sidoo kale akhri:

  5. "Israa'iil waxay qarka u saarnayd inay baaba'do" – Trump oo ka hadlay khatarta haddii Iran ay hub nukliyeer yeelan lahayd

  6. Iran iyo Mareykanka ayaa weeraro is-weydaarsaday kaddib markii ciidamada Mareykanka ay duqeeyeen jasiiradda Larak

    Iran

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Weerarradii ugu horreeyay ee Mareykanku ku qaaday Iran tan iyo dabayaaqadii bishii July ayaa sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca laba kale, sida ay sheegeen ciidanka ilaalada kacaanka Iran ee IRGC.

    Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka CENTCOM ayaa sheegay in uu qaaday "tallaabo xaddidan" oo ka dhan ah "ciidamo dhigayay miinooyin, kuwaas oo khatar degdeg ah ku ahaa Marinka Hormuz".

    Iran waxay sheegtay in ay weerartay saldhigyo milatari oo Mareykanka uu ku leeyahay dalka Urdun, iyadoo ciidamada Urdunna ay sheegeen in ay ka hortageen sideed gantaal subaxnimadii hore ee Isniinta.

    Telefishinka dowladda Iran ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Iran ay diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen saldhig ciidan oo ku yaalla Imaaraadka Carabta.

    Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa beenisay wararka sheegaya in saldhigga ciidamada cirka ee Al-Minhad la weeraray. Imaaraadka Carabta waxay sheegeen in ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn.

  7. U diyaar garowga saacadda qiyaamaha: Ma dhamaadkii dunida ayaa lagu dhawaaday?

  8. Markaad kaadiso kadib, ma dareentaa inay dhibco kaa soo dareeraan? Ogow xanuunka ku haya

  9. Sirta magaalada Yurub ee u baahan Afrikaanka si ay ugu noolaadaan

    Waxay intaas ku dartay: "Marka ay jiraan fursado shaqo, dadka soo-galootiga ah iyaga ayaa iskood u imanaya."

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Waxay intaas ku dartay: "Marka ay jiraan fursado shaqo, dadka soo-galootiga ah iyaga ayaa iskood u imanaya."

    Dukaan cusub ayaa bishii May laga furay waddada ganacsiga ee High Street ee magaalada Greenock, oo muddooyinkii dambe hoos u dhac dhaqaale ka jiray.

    Dukaanka oo lagu magacaabo 'An African Store' ayaa magaalada Scottish-ka ah u keenay qayb ka mid ah dhaqanka iyo cuntooyinka Nigeria, isaga oo iibinaya baradho yam ah, muuska plantain-ka, okra iyo kalluunka catfish-ka.

    Laakiin tani ma aha dukaanka kaliya ee Afrikaanka ah ee halkaas ku yaalla. Dukaanka kale ayaa dhowr mitir oo keliya u jira, waxaana uu daboolaa baahiyaha dadka deegaanka oo ay tiradoodu iyo kala duwanaanshahoodu sii kordhayaan.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay in shan sano ka hor ay Greenock ahayd meel aan si badan loogu arki jirin dadka madow. Hase yeeshee, hadda boqolaal Afrikaan ah iyo qaxooti ah ayaa halkaas deggan.

    Golaha deegaanka ayaa dhab ahaantii qorsheynaya in uu dhiirrigeliyo in dad badan ay yimaadaan oo degaan qaybtan galbeedka Scotland, si loo joojiyo hoos u dhaca joogtada ah ee tirada dadka magaalada.

    "Dadka reer Scotland waa dad aad u wanaagsan oo si furan u soo dhaweeya dadka kale," ayay tiri Christiana Omilana, oo ah milkiilaha dukaanka Annick, taas oo UK timid sannadkii 2021.

    Waxay intaas ku dartay: "Marka ay jiraan fursado shaqo, dadka soo-galootiga ah iyaga ayaa iskood u imanaya."

    Tirada dadka ku nool Inverclyde ayaa hoos u dhacday 22,000 tan iyo sannadkii 1981. Tirada dadka hadda ku nool deegaanka ayaa ah 78,000, waxaana la saadaalinayaa in ay 16% kale hoos u dhacdo labadaatanka sano ee soo socda.

    Wax ka qabashada hoos u dhaca tirada dadka ayaa ah mudnaanta koowaad ee golaha deegaanka. Si arrintan wax looga qabto, goluhu wuxuu doonayaa in marka hore dadka deegaanka lagu dhiirrigeliyo inay halkaas sii joogaan, halka dhinaca kalena uu doonayo in deegaanka lagu soo jiito dad cusub.

  10. Trump oo baahiyay muuqaal AI lagu sameeyay oo muujinaya weerar lagu qaaday jasiiradda Kharg

    Jasiiradda Kharg waa mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee Iran ay saliidda uga dhoofiso Gacanka Faaris

    Xigashada Sawirka, @realDonaldTrump

    Qoraalka sawirka, Jasiiradda Kharg waa mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee Iran ay saliidda uga dhoofiso Gacanka Faaris

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa bartiisa bulshada ee Twitter-ka soo dhigay muuqaal garaadka macmalka ah (AI), kaas oo muujinaya qarax iyo dab ka kacaya warshad weyn oo shidaal.

    “Jasiiradda Kharg gabi ahaanba waa la burburinayaa!!!” ayuu Trump ku qoray qoraalka uu raaciyay muuqaalka.

    Muuqaalkan ayaa soo baxay xilli ay mar kale sii kordheen xiisadaha milatari ee u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

    Milatariga Mareykanka ayaa horay u bartilmaameedsaday laba qalab oo Iran leedahay oo gantaallada laga soo rido, kuwaas oo ku yaalla Jasiiradda Larak.

    Iyagoo ka jawaabaya, Ilaalada Kacaanka Iran ayaa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku bartilmaameedsaday laba saldhig oo Mareykanku ku leeyahay Urdun.

    Jasiiradda Kharg waa mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee Iran ay saliidda uga dhoofiso Gacanka Faaris. Qayb weyn oo ka mid ah saliidda cayriin ee dalka laga dhoofiyo ayaa loo maraa terminal-yada ku yaalla jasiiradda.

    Sidoo kale akhri:

  11. Tirada dhimashada Nepal oo kor u dhaaftay 900 oo qof

    Tirada dadka ku dhintay daadad lama filaan ah oo ka dhacay Nepal ayaa gaartay 903 qof.

    Sida ay sheegtay BBC-da laanta Nepali, Hay’adda Qaranka Nepal ee Yaraynta Khatarta Musiibooyinka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa sheegtay, in ilaa hadda la helay meydadka 903 qof.

    Sida ay sheegtay NEA, 4,247 qof ayaa weli lagu la’yahay daadadka.

    Dadka la la’yahay waxaa ka mid ah dalxiisayaal ajaanib ah, ciidamada ammaanka iyo boqolaal shaqaale ah oo ka shaqeynayay mashaariic kala duwan oo koronto-dhalineed.

    Sida ku cad xogta ay bixisay hay’addu, tirada dadka dhintay waxay ahayd 781 qof, halka tirada dadka la la’yahay ay ahayd 2,502 qof.

    Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in ilaa hadda la soo badbaadiyay in ka badan 10,400 qof.

    Sida laga soo xigtay hay’adda dowladda, in ka badan 20,800 oo ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa loo diray hawlgallada baadi-goobka iyo samatabbixinta.

  12. Maxay iyagoo da'yar u dhintaan dadka jirka-dhista?

    Daraasad la sameeyay sannadkii 2025-kii ayaa iftiimisay khataraha caafimaad ee la xiriira tartamada jir-dhiska.

    Sida lagu sheegay daraasad lagu daabcay wargeyska European Art Journal, ciyaartoyda xirfadlayaasha ayaa shan laab uga dhow dhimashada kuwa bilowga ah.

    Dadkan waxay sidoo kale halis ugu jiraan in uu wadnaha degdeg u istaago oo sidaas ku geeriyoodaan. Dhallinyarada iyo dadka caafimaadka qaba uma geeriyoodaan inta badan wadno-xanuun.

    Celceliska da'da dadka u dhinta dhibaatooyinka caafimaad ee noocan ah wuxuu ahaa 45 sano. Hase yeeshee, ciyaartooyda jirka-dhista waa 34.7 sano.

    Marco Vecchiato, oo ah cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda Padua ee Talyaaniga, ayaa ahaa qoraaga hormuudka ka ah daraasadda. Sida uu sheegay, waxaa jira sababo badan oo keeni kara dhimashada ku timaada dadka jirka dhista.

    Sababaha waxaa ka mid ah isticmaalka xad-dhaafka ah ee dawooyinka kordhiya awoodda, miisaan dhimista degdegga iyo tababarka xad-dhaafka ah.

    Intaa waxaa dheer, daawooyinka waxay keeni karaa dhiigkar, dufan ku ururta xididdada dhiigga, isbeddel ku yimaada qaab-dhismeedka wadnaha iyo garaaca wadnaha oo aan joogto ahayn.

    Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale dib u eegeen warbixinnada laga qoray meydadka jir-dhisayaashii dhintay.

    Inta badan dadka dhintay waxaa laga helay wadne si weyn u weynaaday. Sidoo kale, muruqyada wadnaha ayaa dhumuc yeeshay. Isbeddelladan waxay kordhin karaan khatarta garaaca wadnaha oo aan joogto ahayn iyo wadnaha oo shaqada joojiya.

    Ciyaartooydu waxay dhisi karaan murqo badan, waxayna qaadi karaan culaysyo waaweyn iyaga oo aan isticmaalin isteeroodhis. Marka isteeroodhis la isticmaalo si miisaan culus loo qaado iyo culeyskii hore u saarnaa wadnaha waxay taasi keeneysaa in wadnaha uu lumiyo awoodda oo isku fidayo

  13. Mareykanka oo weeraray qalabka gantaallada laga rido ee Iiraan oo ku yaala jasiiradda Larak

  14. War cusub oo ka soo kordhay doon ku wajahnayd oo degtay

    Donta nooca catamaran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Donta nooca catamaran

    Siddeed qof ayaa ku dhintay kadib markii doon rakaab ah ay ku degtay xeebaha waqooyiga Qubrus, iyadoo ku sii jeedday dalka Turkiga.

    Doonida oo sidday ku dhowaad 270 qof, ayaa ku qalibantay meel qiyaastii afar mayl-badeed u jirta magaalada Kyrenia, oo sidoo kale loo yaqaan Girne.

    Maamulka iskiis ugu dhawaaqay inuu yahay dal, kaas oo si rasmi ah ay u aqoonsan tahay oo keliya Turkiga, ayaa sheegay in 249 qof la badbaadiyey, halka 18 qof weli la la’yahay.

    Kabtanka doonta iyo toddobo xubnood oo kale oo ka tirsan shaqaalaha doonta ayaa la xiray.

    Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in inta badan dadkii saarnaa markabka la soo badbaadiyey. Hawlgal baadi-goob iyo samatabbixin ah oo ay wadaan mas’uuliyiinta Turkiga ayaa socda.

    Doontii hadda way quustay, waxaana mas’uuliyiintu isku dayayaan inay soo helaan qalabka kaydiya xogta markabka si loo ogaado wixii dhacay.

    Doonida rakaabka ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaa ka baxday goobta dalxiiska caanka ah ee Kyrenia abbaaraha 12:30 duhurnimo xilliga maxalliga ah.

    Raysal wasaaraha Qubrus, Üstel, wuxuu sheegay in doonta loo qorsheeyay inay Sabtida u safarto Turkiga, balse safarka dib loo dhigay sababo la xiriira xaaladaha cimilada oo xumaa.

    Wuxuu u sheegay warbaahinta Turkiga ee TRT in doonta ay ku dhufteen laba hir ka hor inta aysan quusin.

  15. Mareykanka oo qorsheynaya in uu kaalmada milatari ka jaro Kurdiyiinta

  16. Maraykanka oo xaqiijiyey in uu weeraray Jasiiradda Lark ee Iiraan

    Kabtanka Ciidanka Badda Maraykanka Tim Hawkins ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in ciidamada Maraykanku Axaddii bartilmaameedsadeen laba qalab oo Iran leedahay oo lagu rido gantaallada, kuwaas oo ku yaalla Jasiiradda Lark.

    Waxa uu sheegay in ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran lagu arkay iyagoo diyaarinaya inay ridaan gantaallo sida miinooyinka badda, kuwaas oo loo waday dhinaca Marin-biyoodka Hormuz.

    Dhanka kale, waaxda xiriirka dadweynaha ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iraan ayaa sheegtay in Ciidanka Cirka iyo Hawada Sare ee Ilaalada Kacaanku ay gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen saldhigyada cirka ee King Hussein iyo Al-Azraq ee Urdun, iyagoo sheegay in weerarku ahaa jawaabtii weerarkii Maraykanka ee Jasiiradda Lark.

    Ilaalada Kacaanka waxay sheegteen in la bartilmaameedsaday kaabayaasha farsamada iyo dayactirka, iyo goobaha ay ku sugan yihiin diyaaradaha dagaalka ee labada saldhig, isla markaana ay halkaasi ka dhasheen “khasaare xooggan”.

    Ciidanka Jordan ayaa wax yar kaddib bayaanka Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran sheegay in ay dhexda ku qabteen siddeed gantaal.

    Hay’addu waxay sidoo kale ka digtay in haddii weerar kale lagu qaado Iraan, ay ka jawaabi doonto “jawaabo ka sii burbur badan”. Waxay carrabka ku adkaysay in weerarka Jasiiradda Lark uusan wiiqi doonin gacan-ku-haynta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay ku leedahay Marin-biyoodka Hormuz.

  17. War deg deg ah, Maxaa ka jira in Iiraan weerartay xarumaha ciidamada Maraykanka ee Urdun?

    Weriyaha Fox News ee ka tirsan shabakadda X ayaa, isagoo soo xiganaya ilo Maraykan ah, qoray in Iraan ay bartilmaameedsatay goobaha ciidamada Maraykanka ee ku sugan Urdun.

    Goor sii horreysay, qaar ka mid ah warbaahinta Carabta iyo Iraan ayaa tebinayey in dhowr qarax laga maqlay gobolka Caqaba ee koonfurta Urdun. Hase yeeshee, mas’uuliyiinta Urdun weli faahfaahin kama aysan bixin sababta qaraxyada.

    Wararkii ugu horreeyay ee ka soo baxay warbaahinta Iraan ayaa sidoo kale sheegayey in qaraxyo laga maqlay koonfurta Urdun kaddib weerarkii Maraykanka ee Jasiiradda Lark.

    Arrintan ayaa timid kaddib markii ciidamada Maraykanku bartilmaameedsadeen laba qalab oo Iraan leedahay oo lagu rido gantaallada, kuwaas oo ku yaalla Jasiiradda Lark. Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay inay weerarkaas ka jawaabi doonaan

  18. Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa xaqiijiyay weerarkii Maraykanka ee Jasiiradda Lark.

    Waaxda xiriirka dadweynaha ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa xaqiijisay weerarka ka dhacay Jasiiradda Lark, waxayna sheegtay in weerarka ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen “tiro yar” oo ka tirsan ciidamada Ilaalada Kacaanka iyo dadka deegaanka.

    Ciidamadu waxay Maraykanka iyo Israa’iil ku eedeeyeen weerarka, iyagoo sheegay in tallaabadaas “laga jawaabi doono” isla markaana “gardarrada loo geysan doono ciqaab.”

    Goor sii horreeysay ayey Wakaaladda Wararka Tasnim oo soo xiganaysa warar hordhac ah oo aan rasmi ahayn ay sheegtay in weerarka lagu dilay laba qof, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.

    Axios iyo Al Jazeera ayaa iyaguna soo wariyay, iyagoo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah, in ciidamada Maraykanku bartilmaameedsadeen laba qalab oo gantaallo lagu rido oo ku yaalla Jasiiradda Lark.

    Sida ay sheegeen saraakiishaasi, ciidamada Ilaalada Kacaanka Iraan ayaa diyaarinayay qalabkaas si ay ugu ridaan Marin-biyoodka Hormuz.

  19. War deg deg ah, Maraykanka oo weeraray laba qalab oo gantaallada laga rido oo ku yaallay Jasiiradda Lark

    Wakaaladda Wararka Fars soo xiganaysa dadka deegaanka ayaa sheegtay, in qarax laga maqlay meel u dhow Jasiiradda Lark.

    Weriyaha Axios, Barack Ravid, iyo Al Jazeera ayaa iyaguna soo wariyay, iyagoo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah, in ciidamada Maraykanku bartilmaameedsadeen laba qalab oo gantaallo lagu rido oo ay Iraan leedahay, kuwaas oo ku yaallay Jasiiradda Lark.

    Sida ay sheegeen saraakiishaasi, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa isku diyaarinayay inay dhanka Marin-biyoodka Hormuz ku ridaan gantaallo sida miinooyinka badda.

    Wakaaladda Wararka Tasnim ayaa sidoo kale qortay in warar hordhac ah oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ay sheegayaan in weerarka lagu dilay laba qof, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaan weli soo saarin bayaan madax-bannaan oo ku saabsan weerarka.

    Qiyaastii shan saacadood ka hor, CENTCOM ayaa sidoo kale barta X ku baahisay muuqaallo muujinaya badmaaxiinta Maraykanka oo habeenkii hawlgallo duulimaad ka fulinaya markabka diyaaradaha xambaara ee USS George Washington. Taliska ayaa sheegay in markabku ku sugnaa biyaha gobolka, isagoo taageeraya hawlgallada Maraykanka ee Bariga Dhexe.

    Wararkan ayaa soo baxay xilli ay maalmihii u dambeeyay hoos u dhacday xooggii iska horimaadyada tooska ah ee u dhexeeya Iran iyo Maraykanka, isla markaana ay dhinacyo badan ka jirtay xaalad degganaansho ah.

    Si kastaba ha ahaatee, khilaafka ku saabsan Marin-biyoodka Hormuz ayaa weli taagan. Maraykanku wuxuu sheegayaa in marin-biyoodku furan yahay, halka Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ay ku adkaysanayaan in maraakiibta aan loo oggolayn inay maraan haddii aan horey loo sii xiriirin oo aan lala isku dubbaridin Iran.

  20. Muuqaalladii ugu dambeeyay ee laga soo qaaday goobta doonta ku degtay

    Sawirradii ugu dambeeyay ee laga soo qaaday goobta doontu ku degtay ayaa muujinaya hawlgallada gurmadka ee socda, kaddib markii doon rakaab sidday ay ku rogmatay badda, meel ka baxsan xeebaha waqooyiga Qubrus ee Turkigu haysto.

    Diyaarad militari, kuwa qumaatiga u kaca iyo doonyo kale ayaa ka qayb qaadanaya hawlgallada baadigoobka iyo samatabixinta.

    Raysalwasaaraha maamulka waqooyiga Qubrus ayaa bayaan uu hore u soo saaray ku sheegay in hay’ado kala duwan ay iska kaashanayaan hawlgalka gurmadka, iyadoo 23 qof ay weli la la’yahay.

    howlaha samatabixinta

    Xigashada Sawirka, Reuters

    howlaha samatabixinta

    Xigashada Sawirka, Reuters

    howlaha samatabixinta

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    howlaha samatabixinta

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images