Hoggaamiyaha Cusub ee Galmudug oo BBC-da la hadlay kadib doorashadiisa maanta

Liibaan Axmed Xasan, Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug
Published
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo

Waxaa gordhow magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug lagu doortay hoggaamiyaha maamulkaaas Liibaan Axmed Xasan. Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa doortay Liibaan, waxaana uu BBC-da u sheegay howlaha hortabinta u leh iyo tallaabooyinka uu qaadayo.

Liibaan Axmed Xasan ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono amniga, dib u heshiisiinta dadka reer Galmudug iyo bixinta adeegyada muhiimka ah.

Waxaa kale oo BBC-du waydiisay sababta Axmed Qoor-Qoor oo hadda haya xilka madaxweynaha Galmudug aanu goob joog uga ahayn doorashada ka dhacday Dhuusamareeb.

Halkaan ka dhageyso waraysi BBC-du la yeelatay

Qoraalka Codka, Liibaan Axmed Xasan ayaa loo doortay hoggaamiyaha Galmudug