Xuutiyiinta oo sheegay inay weerar ku beegsadeen goob muhima oo ku taalla Sacuudiga

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee Yemen ayaa ku dhawaaqday inay bartilmaameedsatay wasaaradda difaaca Sacuudi Carabiya ee Riyadh iyo xarumaha shirkadda shidaalka ee Aramco ee magaalada Yanbu. Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in shirkaddu amartay in shaqaalaha weli jooga xarunteeda dhexe ee Dhahran la daadgureeyo, isla markaana ay shaqada guryahooda ka sii wataan.
Afhayeenka milatariga kooxda, Yahya Saree, ayaa sheegay in wasaaradda difaaca “si toos ah loo garaacay”. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaan wax war ah ka soo saarin arrintan waqtigii warbixintan la diyaarinayay.
Arrintan ayaa timid kaddib markii mas’uuliyiinta Sacuudigu ay shaaciyeen in afar qof ay ku dhinteen, toban kalena ay ku dhaawacmeen laba weerar oo kala duwan oo Arbacadii lala beegsaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Fahd ee Dammam iyo goobta shidaalka ee Shaybah.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa soo xigatay laba ilo-wareed oo xog-ogaal u ah arrintan, kuwaas oo sheegay in amarka daadgureynta xarunta Aramco ee Dhahran uu khuseeyay shaqaalihii weli goobta ku sugnaa. Shaqaalaha aan muhiimka u ahayn joogitaanka goobta ayaa shaqada meel fog ka qabanayay tan iyo weerarkii toddobaadkii hore.
Ilo-wareedyadu waxay xaqiijiyeen in goobaha la deggan yahay ee ku dhex yaalla xarunta shirkadda aan la xirin ama laga daadgureyn dadka deggan.
Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, lama bixin sabab gaar ah oo ku saabsan amarka daadgureynta
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:














