Qaar ka mid ah mucaaradka Xasan Shiikh oo taageeray doorashada dowladiisu ka qabatay Galmudug ee ay horrey u dhaliileen

Mucaaradka oo hambalyo u diray Hoggaamiyaha Cusub ee Galmudug
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Golaha wakiillada ee maamulka Galmudug ayaa maanta hoggaamiyaha maamulkaas u doortay Liibaan Axmed Xasan, doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

Liibaan oo murashax u ahaa xisbiga JSP ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 72-cod, halka musharaxii kula tartamay xilka Cabdulqaadir Cabdullahi Diiriye uu helay 14-cod, 3-cod ay halaabeen.

Waxaa natiijadan shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Xuseen Maxamed Nuur.

Sidoo kale hoggaamiye xigeenka maamulka Galmudug, ayaa golaha wakiiladu u doorteen Cabdiweli Ibraahin Garyare , oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Liibaan ayaa lagu wadaa in uu xilka kala wareego Axmed Cabdi Kaariye "Qoor Qoor" oo isaga oo xilka haya hadana aan tartanka ka qeyb galin.

Doorashada ka dhacday Galmudug ayaa ahayd mid inta badan la sii saadaaliyey mamaada ururka JSP uu helay aqlabiyada xubnaha wakiilada doorashadii qof iyo codka ahayd ee dhammaadkii September ka dhacday deeganada Galmudug.

Galmudug ayaa noqotay maamulkii labaad ee hoggaamiyahooda ay doortana Gole wakiilo oo ay dadku soo doorteen, wallow mucaaradka Soomaaliya ay si weyn u dhaliileen doorashada qof iyo codka ah.

Qaar ka mida ah mucaaradka horrey u diiday doorashada ee hambalyada u diray Liibaan

Mucaaradka

Siyaasiyiin badan oo ka tirsan mucaaradka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha cusub ee maamulka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Siyaasiyiinta diray hambalyada waxaa ka mid ah Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Xildhibaan Cabdirixmaan Odowaa, Xildhibaan Sanyare iyo siyaasiyiin kale.

Raggan diray hambalyada ayaa ahaa mucaaradka Xasan Sheekh ee sida adag u dhaliilayey doorashada qof iyo codka ah taas oo ahayd maxsuulka doorashada maanta ka dhacday Galmudug.

Maxamed Mukhtaar oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa xusay inaysan in qabanayn in doorashada la dhaliilo lona hambalyeeyo hoggaamiyihii doorashadaas ku yimid.

"Hambalyada ay xubno ka tirsan mucaaradka u direen Libaan, iyagoo isla markaana diiddan hannaankii doorasho ee lagu soo doortay, waxay muujinaysaa isburin siyaasadeed oo su'aal gelinaysa mowqifka mucaaradka." ayuu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar

wuxuu intaas raaciyey Mukhtaar in haddii la aqbalayo natiijada doorasho la diiddan yahay hannaankeeda, waxaa adkaanaysa in si isku mid ah looga hor yimaado doorashooyinka federaalka ee lagu qabanayo isla nidaamkaas.

"Arrintani waxay Dowladda Federaalka siin kartaa dood siyaasadeed oo ay ku difaacdo qorshaheeda doorasho, waxayna muujin kartaa in mucaaradku aanu weli ku heshiin halbeeg mideysan oo lagu qiimeeyo sharciyadda iyo aqbalaadda doorashooyinka dalka."

"Sidoo kale waxaa dhici karta in mucaaradka u arkaan in hambalyadu tahay mid shaqsi balse aanay ahay aqoonsi sharciyeed, balse aragtidaas uma muuqata mid fadhida. Liibaan kursiga uu ku fadhiisanyo wuxuu keenaya inuu si sharci ah wax ku maamulo. Qof waan aqoonsanahay balse sida uu kursiga ku yimid ma aqoonsani, iyadana ma aha arin mucaaradka difaaci karaan." ayuu yiri Mukhtaar

Hoggaamiyaha cusub ee maamulka Galmudug Liibaan Axmed Xasan, ayaa dadka yaqaanaa ku sheegaan inuu yahay shaqsi dad-wad leh oo si wanaagsana uga shaqeeya waxaa uu doonayo.

Liibaan ayaa horrey xubin uga soo noqday guddigii doorashooyinka ee heer federal taas uu door firfircoon ku lahaa. Waa ganacsade si weyn looga yaqaan deegaanada Galmudug iyo Soomaaliya.

Waraysi mar sii horreysay uu BBC-da siiyey Liibaan Axmed Xasan, ayuu sheegay in waxyaabaha hortebinta u leh maamulkiisu ay ka mid tahay ammaanka, dibu-heshiisinta iyo hormarinta Galmudug.

Mar BBC-du wax ka waydiisay sida uu ula shaqayn doono maamulada dariska lah Galmudug ayuu xusay in taasi u leedahay muhiimad gaara oo uu ka shaqaynayo in si deris wanaag ah loo wada shaqeeyo