You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Hab-dhaqan ay Soomaaliduna leedahay oo la ogaaday inay keento cimri dherer isla markaana yareyso cudurka dhimirka
Wada-cunista cuntada waxay yareyn kartaa halista ah inaad qaaddo niyad-jabka iyo cudurka dhimirka .
Waxay u egtahay wax aan la rumaysan karin , balse hal isbeddel oo fudud oo ku saabsan hab-nololeedkaaga cunista ayaa faa'iidooyin waaweyn u yeelan kara jirkaaga iyo maskaxdaada. Waxay yarayn karaan khatarta ah inaad qaaddo niyad-jabka, waxayna kaa ilaalin karaan cudurka dhimirka ee 'dementia'-ga. Waxay kordhin kartaa raaxada aad ka hesho cuntadaada, laga yaabee inay xitaa kaa caawiso inaad cimri dheeraato.
Kama hadlayno nooc cusub oo cunto-caafimaad oo moodo noqday, balse waxaan ka hadlaynaa mid ka mid ah caadooyinkii ugu faca-weynaa ee bini'aadamka: waa wada-cunista cuntada, ama ficilka ah in dadka kale lala wadaago. "Wada-cunista cuntadu waa hab muhiim u ah xoojinta xiriirka, dhisidda kalsoonida, iyo isku-xirnaanshaha dadka," ayuu yiri Jan-Emmanuel De Neve, oo ah borofisar ku takhasusay dhaqaalaha iyo cilmiga dabeecadda aadanaha kana tirsan Jaamacadda Oxford. Arrintanna waxay saamayn weyn ku leedahay caafimaadkeenna
Dhisidda badqabka maskaxda
Cilmi-baaris badan oo ku saabsan wada-cunista cuntada ayaa diiradda saartay saameynta ay ku leedahay caafimaadkeenna dhimirka. Mid ka mid ah daraasadahaas, oo ay sameeyeen Xinyi Wang iyo asxaabteeda oo ka tirsan Xarunta Gobolka Zhejiang ee Xakamaynta iyo Ka-hortagga Cudurrada ee dalka Shiinaha, ayaa ku lug lahayd sahamin lagu sameeyay 9,361 haween ah oo da'doodu tahay 60 sano iyo ka kor.
Kooxdu waxay ku soo gabagabeysay in tani ay muujinayso inay jirto arrin gaar ah oo ku saabsan wada-cunista cuntada oo saameyn ku leh caafimaadkeenna dhimirka.
Daraasado kale oo badan ayaa iyaguna tilmaamaya isla natiijooyinkan. Tusaale ahaan, cilmi-baarayaal ka socda Tokyo ayaa ogaaday in dadka da'doodu u dhaxayso 65 ilaa 74 sano ee la nool qoysaskooda balse cuna cuntada iyagoo keligood ah, ay shan jeer uga badan yihiin inay yeeshaan calaamadaha niyad-jabka marka loo eego kuwa si joogto ah ula cuna cuntada dad kale.
Waxaa la dhihi karaa caddeynta ugu xooggan waxay ka timid Warbixinta Farxadda Adduunka oo ah falanqeyn sannadle ah oo ku saabsan fayo-qabka, taas oo ku saleysan sahan caalami ah oo ay sameysay shirkadda Gallup ee ra'yi-ururinta. Sannadkii 2024-kii, shirkadda waxaa maalgeliyay shirkadda Japan ee soo saarta cuntada ee Ajinomoto si loogu daro qayb ku saabsan caadooyinka dadka ee dhanka cuntada, taas oo ay ku jireen su'aalahan soo socda:
Markaad eegto 7-dii maalmood ee la soo dhaafay…
(1) Immisa maalmood ayaad qadada la cuntay qof aad taqaan?.
"Indhahaygu way iftiimeen markii aan arkay," ayuu yiri De Neve, oo ka mid ahaa qorayaasha qayb ka hadlaysa muhiimadda ay leedahay in dadku si wadajir ah wax u wada cunaan, taas oo ku jirta Warbixintii ugu dambaysay ee Farxadda Adduunka. "Waxaan eegaynaa xogta ku saabsan ilaa 150,000 oo qof oo ku kala nool daafaha dunida, kuwaas oo ka jawaabay su'aashaas."
Kooxda De Neve ayaa ogaatay in inta jeer ee dadku ay cunto la wadaagaan dadka kale ay si toos ah ula xiriirto dhibco sare oo ay ka helaan cabbirrada caadiga ah ee ladnaanta shucuureed, iyadoo natiijaduna ay ahayd mid aad u joogto ah oo la yaab leh. Wuxuu sheegay inay ahayd arrin si weyn u saadaalin karta heerka qofku ka qabo ku-qanacsanaanta noloshiisa, sida xaaladda shaqada iyo heerka dakhliga, kuwaas oo ah laba arrimood oo si weyn loogu yaqaanno inay muhiim u yihiin ladnaanta qofka.
Dareemayaasha abuura farxada
De Neve, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in arinta ku saabsan wadaagista cuntada ay si fudud u muujin karto "ifafaale " nolosha guud ee bulshada.
Buuggiisa Friends, Robin Dunbar, oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga bayoolojiga ee Jaamacadda Oxford , wuxuu soo jeedinayaa in cunista si dabiici ah ay kiciso nidaamka kiimikooyinka dareenka wanaagsan. Tani waxay xoojin kartaa xiriirka ka dhexeeya cuntada, taasoo naga dhigaysa inaan dareemno dareen sare oo xiriir ah.
Sannadkii 2025, cilmi-baarayaal reer Japan ah waxay ogaadeen in dadka si joogto ah kaligood wax u cuna ay leeyihiin mug maskaxeed oo yaraada, gaar ahaan qaybaha muhiimka ah ee maskaxda ee la xiriira awoodda garashada, xusuusta iyo fikirka.
Waxaa xiiso leh in wehelka dadka kale uu sii kordhin karto dhadhanka iyo raaxada laga helo cuntada lafteeda. Taxane daraasado ah oo ay sameysay Erica Boothby oo ka tirsan Jaamacadda Pennsylvania ayaa lagu ogaaday in dadka shukulaatada cuna iyagoo la jooga dad kale ay dareemaan inay aad uga dhadhan fiican tahay marka ay kaligood yahiin.
Yareynta khatarta cudurka dhimirka
Wada-cunista cuntada ayaa xitaa laga yaabaa inay yarayso gabowga maskaxda.
Sannadkii 2025, cilmi-baarayaal reer Japan ah ayaa ogaaday in dadka si joogto ah wax u cuna kaligood ay hoos u dhaceen mugga maskaxda ee la xiriirta garashada, oo ay ku jiraan qaybta dhexe ee maskaxda . Inkasta oo qaar ka mid ah kala duwanaanshahan ay u muuqdeen inay la xiriiraan cuntada lafteeda guud ahaan, dadka keligood wax cuna waxay u muuqdaan inay cunaan cuntooyin nafaqo yar leh, ma aysan xisaabin karin wax walba, taasoo soo jeedinaysa in xiriirka bulsheed ee yaraa uu sidoo kale door ka ciyaarayay caafimaadkooda maskaxda ee muddada dheer.
Qorayaashu waxay qiyaaseen in raaxada iyo taageerada bulshada ee la xoojiyay ee cuntooyinka la wadaago ay yareyn karto walbahaarka, taas oo ah arrin khatar ku ah hoos u dhaca neerfaha. Taas beddelkeeda, wadahadallada ku saabsan cuntooyinka waxay bixin karaan kicin maskaxeed oo dheeraad ah oo maskaxdeenna ka dhigaysa mid firfircoon muda fog.
Warbixinta Farxadda Adduunka ayaa xustay in dhaqamada cunista ay aad ugu kala duwan yihiin waddamada, waxaana laga yaabaa inaan wax badan ka baranno dadaallada hal waddan uu ku ilaalinayo dhaqankiisa la qabsiga.
Celcelis ahaan, dadka reer Japan waxay toddobaadkii wada cunaan wax ka yar afar cunto. Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka, tiradaasi waxay u dhaxaysaa toddobo ilaa siddeed, halka dalka Talyaanigana ay ku dhowdahay sagaal. Dabcan, Talyaaniga waxaa si weyn looga yaqaannaa dhaqankiisa cuntada ee ku dhisan is-dhexgalka bulshada. Markii hay'adda UNESCO ay cunnada Talyaaniga u aqoonsatay inay tahay "Dhaxal-dhaqameed aan la taaban karin", waxay hoosta ka xarriiqday doorka muhiimka ah ee cuntadu ku leedahay "xoojinta xiriirka qoyska iyo bulshada, ha ahaato guriga, dugsiyada, ama iyada oo loo marayo xafladaha, munaasabadaha iyo kulamada bulshada".
Sidaa darteed, laga yaabee inaysan ahayn wax lala yaabo in dalkani uu hormuud ka yahay sidii loo ilaalin lahaa dhaqanka wada-cunista cuntada ee wajahaya cadaadiska dunida casriga ah. Dhaqdhaqaaqa "Slow Food", oo asal ahaan ka soo jeeda Talyaaniga, ayaa la bilaabay 50 sano ka hor iyadoo laga jawaabayo caannimada sii kordhaysa ee cuntada degdegga ah ee cunada fudud.
Guud ahaan, waxaan dhayalsannaa heerka ay dadka nagu dhow ay ku raaxaystaan la-joogistayada oo ay u xiisoonayaan inay waqti nala qaataan. Haddaba, haddii aad taqaan qof laga yaabo inuu dareemayo kalinimo, isla markaana ku farxi lahaa fursad ay ku wada sheekaystaan iyagoo cunaya cunto macaan, xalka ugu wanaagsan waa inaad si fudud u weydiisato.
Haddii ay dhab ahaan kugu adag tahay inaad qof ka fikirto, waxaa jira xalal dhanka tiknoolajiyadda ah. Sannadkii 2019-kii, ganacsadaha Talyaaniga ah ee dhanka tiknoolajiyadda Paolo Bavaro ayaa sameeyay barnaamijka app-ka Tablo si uu isugu xiro dadka keligood wax cunaya. Ilaa hadda, barnaamijkan waxaa la isticmaalay in ka badan 300,000 oo jeer.
Waxaa laga yaabaa inaanay la yaab lahayn in isticmaalaha caadiga ah uu yahay qof da' yar oo qiyaastii 30 jir ah. "Da'daas, way adag tahay in saaxiibo la sameysto," ayuu yiri Bavaro. "Shaqo badan ayaad haysataa, saaxiibbadaana badankoodu waxay leeyihiin qoysas, waxaad doonaysaa inaad dadka la fal-gasho balse ma garanaysid cid aad la baxdo."
Markii aan De Neve kala hadalnay barnaamijkaas (app-ka), wuxuu noo tilmaamay tijaabo uu sameeyay khabiirka cilmi-nafsiga Jamil Zaki oo ka tirsan Jaamacadda Stanford; wuxuuna gacan ka geystay qabanqaabinta kulamo saaxiibtinimo oo loogu talagalay ardayda xishoodka badan si ay ugu kulmaan maqaayadda qaxwada ee xarunta jaamacadda, waana tallaabo gacan ka gaysatay kor u qaadista kalsoonidooda xagga bulshada. Wuxuu aaminsan yahay in tallaabooyinka noocaas ah ay yeelan karaan "faa'iidooyin waqti dheer sii jira".
Adigoo dadka la wadaaga cunto, waxaad dhisi kartaa saaxiibtinimo waarta, isla markaana aad kor u qaadi kartaa caafimaadkaaga iyo farxaddaada.